Kommuunayaasha oo saf u galay kicinta cashuurta
08. sep. 2009 11.54 SoomaaliIn ka badan saddexdii kommuuneba mid ayaa codsanaya inay cashuurta kiciyaan sannadka soo socda xiisadda dhaqaale darteed, sidaas waxa qoray Berlingske Tidende.
Xalay saqdii dhexe ayaa ugu danbaysay codsigii cafinta cashuur hakinta (skattestoppet), oo sida laga soo xigtay ururka dawladaha hoose ee dalkana (KL) 42 ka mid 98 kommuune ayaa, kulanka berrito ee saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha u soo gudbiyay, araajidooda codsiga ee la xidhiidha inay kiciyaan cashuur dhan 1,9 oo bilyan kr.
Deeq 10 - 12 kommuune
Dawladda iyo ururka dawladaha hoose ee dalku (KL) waxay ku heshiiyeen juun, in 10 - 12 kommuune oo dhibaato haysato lagu caawiyo deeqda cashuur kicinta oo dhan 500 bilyan oo kr. Haseyeeshee qaar badan oo kale ayaa wax ka soo codsaday deeqdaas. Waxa kaloo intaas dheer in qarashka hawlgalka dawladaha hoose ay ku soo biireen 400 bilyan oo kr., oo dheeraad ku ah qarashkii hawlgalka 2010 ee ay heshiiska kula galeen gawladda.
Guddoomiyaha guddiga ururka dawladaha hoose ee dalka (KL), Erik Fabrin, ayaa qiray, inay u eg tahay xaajo dhabaqday. Waayo haddii dawladaha hoose jebiyaan heshiisyada dhaqaale ee ay la galaan dawladda, taasi waxay keenaysaa cunaqabatayn gaar ahaaneed iyo ciqaab wadareed, oo gunta ka soo xaadha khasnadda yar ee dawladda hoose.