Denbiilayaal hore oo rebshadaha kala dagaalamaya Vollsmose
09. sep. 2009 10.55 SoomaaliWiilasha dhallinyarada ahi waxay hor tuban yihiin dukaanka xaafadda Vollsmose ee Bøgeparken.
Wax ay qabtaan ma jiraan, ayay yidhaahdeen. Badi wareerka arrintaas ka dhasha - iyo bilayska - ayaa natiijadoodu ahayd rebshado iyo baabuur la gubo. Laakiin hadda waa in la soo afjaraa.
- Sannadba ka ka danbeeya way ka sii xumaanaysaa. Waxannu rabnaa, inaanu "walaalahayaga yaryar" ku caawinno, siday uga bixi lahaayeen xaaladdan. Haashta iyo maandooriyayaashu way sii kordhayaan, ayuu Wissam Daoud ku yidhi P3Nyheder.
Toogashada bilayska
Daoud waa 32 jir, oo sagaashameeyihii ayay ahayd markii loogu yeedhi jiray baandada Klingenberg. koox dhallinyaro ah, oo dagaallo iyo rebshado ka samayn jirtay Odense. Isaga iyo qaar kale oo badan oo denbiilayaashii hore ah ayaa ku gudojira dagaal ku lid ah falalka deniyada ee Vollsmose.
Dharaaro ka dib rebshadihii ugu danbeeyay, ee bilayska lagu toogtay, ayaa Wissam iyo koox ka kooban 100 dhallinyaro ah iyo waalid badani isugu yimaadden shir ballaadhan.
- Waxaannu rajaynayaa, in waalidkayagu gacan na siiyo, ayuu Wissam Daoud ku yidhi P3Nyheder.
Waxa laga yaabaa in denbiilayaasha hore wax ka qabtaan xaaladda dhallinyarada.
Dhallinyaradu way maqlayaan
Axmed oo 17 jir ah ayaa ka mid ah, kuwa is hor taaga dukaanka xaafadda. Waxay la tahay, in wiilashu maqlayaan, marka qof Wissam Daoud oo kale ahi ku yidhaahdo, rebshadaha joojiya.
- Waannu maqlaynaa isaga. Bilayska dhego u ma lihin. Waxaan u ixtiraamaa sidii aabbahay, ayuu yidhi wiilkaa 17ka ahi.