preload loader
id top nyheder
UPDVO 2041 KIRKEASYL

Muddo ka badan laba bilood dabadeed, markii 22 ciraaqi qasab dayuurad loogu mustaafuriyay Baqdaad 2dii sebtambar, ma jiraan warar sheegaya, in ciraaqiyiintii la celiyay wax la yeelay ama la jidh dilay.

Foto: dr.dk/update © dr.dk/update

 

Skrevet af: 

 

Ciraaq waxba ma yeelin qaxootigii la mustaafuriyay

10. nov. 2009 10.54 Soomaali

Muddo ka badan laba bilood dabadeed, markii 22 ciraaqi qasab dayuurad loogu mustaafuriyay Baqdaad 2dii sebtambar, ma jiraan warar sheegaya, in ciraaqiyiintii la celiyay wax la yeelay ama la jidh dilay. Ururka Kirkeasyl ayaa sidaas u sheegay wargayska B.T.

Shan ciraqqiyiinta la celiyay ka mid ah ayaa muddo yar lagu hayay madaarka Baqdaad, laakiin markii lacag laga bixiyay waa la sii daayay, tan iyo markaasna ma jirto cid danbe oo la qabtay.

- Ciraaqiyiintii la celiyay waxay ku kala dhuunteen gobollo kala duwan, badidooduna woqooyiga ciraaq ayay tegeen. Inta aan kala socdo, ma jiraan cid kale oo dawladdu xidhay ilaa markaas.

Mana ogi sidoo kale, cid la jidh dilay ama la waxyeelleeyay, laakiin lama aanaan wada xidhiidhin dadkii la celiyay oo dhan, sidaas ayuu afhayeenka ururka Kirkeasyl, Pelle Dragsted ku yidhi wargayska B.T.

Sidoo kale safaaradda deenishka ee Baqdaad iyo labadii qareen ee qaxootiga la celiyay u doodayay Kaare Traberg Schmidt iyo Helge Nørrung, midkoodna kama warhayo, in qaar ka mid ah ciraaqiyiintii la mustaafuriyay la xidhay ama la jidh dilay.

Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Trepartsforhandlinger

Trepartsforhandlinger

Trepartsforhandlingerne er i fuld gang. Hvad går det ud på, og hvad er seneste status. Få overblik her

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.