Merkel oo imanaysa shirwaynaha cimilada
11. nov. 2009 10.51 Soomaali
Opdat.: 11. nov. 2009 11.30Jaansilarka Jarmalka ayaa caddaysay, inay iyadu shakhsiyan imanayso shirwaynaha Kobanheegan.
Sidaas waxay jaansilarku shalay salaasadii ka sheegtay kulankii xubnaha baarlamaanka ee Berlin.
- Waqtigu wuu cararayaa, ururka yurubna (EU) wuxu wada hadalka iska taagay mawqif cad oo gaar ah. Waxaynnu war cad ka sugaynaa maraykanka iyo dalalka sida Shiinaha iyo Indiya, ayay ku sheegtay mawqifka dawladda:
- Arrintaasna aniga ayaa shakhsiyan hoggaaminaya, waana war cad. Waan tegayaa shirwaynaha Kobanheegan.
Obama weli wuu fikirayaa
Ilaa hadda madaxda iyo hoggaamiyayaasha ilaa 40 dawladood ayaa caddeeyay, inay imanayaan si ay uga qaybqaataan wada hadallada shirwaynaha Kobanheegan. Waxa ka mid ah raisal wasaaraha ingiriiska Gordon Brown.
Madaxwaynaha maraykanka, Barack Obam, weli muu goaansan, inuu imanayo, laakiin isniintii ayuu wakaaladda wararka ee Reuters ku yidhi:
- Haddaan ku qanco, in dhammaan dalalku arrintu khusaysaa niyad wanaagsan yihiin, oo lagu tallaabsan karo heshiis dhaxalgal ah, tegistayda Kobanheeganna wax soo kordhinayso, markaas waa hubaal, inaan tegayo kobanheegan.
Waxay u eg tahay, in hoggaamiyayaasha dunida oo dhammi ku soo qulquli doonaan Kobanheegan, haddii madaxwaynaha maraykanku sheego, inuu imanayo.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban