Shirkadaha dayuuradaha oo soo wada fii cusub
28. dec. 2009 11.48 Soomaali
Opdat.: 28. dec. 2009 12.07Waa lacag badan fiida dheeraadka ahi, iyadoo lala kadeedan yahay qiimaha tikidhka laftiisa.
Walow waxyaabo badan laga dheehday dayuuradaha qiimahoodu jaban yahay, haddana qaar badan oo ka mid ah dayuuradaha waawayn sida Lufthansa, Delta Airlines og AirFrance/KLM ayaa fii badan soo wada.
Fiida kowaad, waa safarrada u dhaxeeya Yurub iyo Woqooyiga maraykanka oo sannadka cusub la bixinayo 250 koron oo dheeraad ah duullimaadkiiba, marka la sito laba shandadood.
Bixi lacag dheeraad ah
Laakiin waa bilawga uun, ayuu ku yidhi maamulaha shirkadda dillaasha tikidhada dayuuradaha ee Travelbroker, Ole Kirchert Christensen.
Waxay la tahay, in shirkadaha dhisani sannadka danbe ka leexanayaa nidaamka dayuuradaha jaban, qarashna saarayaan cidda tikidhka ku goosanaysa kaadhka kiridhitka (kreditkort).
- Shirkadaha dayuuradaha waxa cadaadis lagu saaray, inay dhimaan qarashkooda, kaadhadhka kiridhitkuna waa goobaha ay lacag badan ka heli karaan, hadday hoos u ridaan qarashka macmiisha saaran, ayuu yidhi.
SAS: qorshaha ugu ma jirto fii dheeraad ahi
Per Møller Jensen, guddoomiyaha iibka ee Danmark ayaa hoosta ka xarriiqay, in aanay qorshaha ugu jirin lacag dheeraad ah oo la saaro alaabta la qaadanayo. Laakiin wuxu qiray, in jalayaashooda kale jihadaas u jeedaan.
- Sababtuna mar waa qiimo isku mid ah oo wadajir loogu tallaabsanayo, teedana kalena waa qarash macmiishu fahmi karto oo aqbali karto, ayuu yidhi.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban