In ka badan boqolkiiba 40 oo samafal loo bixiyay
03. feb. 2010 10.50 SoomaaliLacagtii badnayd ee dalka laga ururiyay dhammaadkii wiigga ma ahayn tusaale keli ahaan muujinaya sida deenishku ugu heellan yihiin samafalka. Dhab ahaan lacagtii ay ku deeqeen shirkadaha gaarka ah ayaa boqolkiiba 40 korodhay shantii sano ee ugu danbaysay. Sidaas waxa DR Nyheder ugu warramay ururka SOBRO, oo hoos yimaadda ururka ururinta sadaqada dalka.
Laakiin lacagtii waxa loo qaybiyay si aan isku mid ahayn. Ururada khibradda istiraatijiyadeed leh ayaa qaatay sed wayn.
Ururada yaryar sida ururka indhoolayaasha, oo goor danbe bilaabay, inay tartan adag soo galaan, ayaa jilbaha dhulka loogu dhuftay.
Ururka indhoolayaasha ayaa ku qasban inay sii daayaan saddexdii shaqaale ahba mid, sababtuna waa hoos u dhaca dakhligii ka soo geli jiray shirkadaha gaarka ah.
Tartan xoog ah
Ururka SOBRO wuxu ururada xubnaha ka ah ku caawiyaa waxyaabo ay ka mid yihiin koorasyo la xidhiidha sida lacag loo sameeyo. Xoghayaha guud Robert Hinnerskov ayaa sheegay, in aanay qasab ahayn, in miisaaniyadda oo dhan loo qoondeeyo ururada caanka ah.
Tartanka adagi wuxu abuurayaa, in dadka arrimahaas ku hawllani kula taliyaan qaar ka mid ah ururada yaryar, inay ku qasban yihiin ku darsiga ururro kale, si ay u doogaan.
Ururka naafada deenishku waa dallaayad kúlmisa 30 urur oo kuwa naafada ah. Guddoomiye Poul Erik H. Petersen ayaa qiraya dhibaatooyinka haysta ururro badan:
- Ururrada qaarkood ayay hadda haysataa dhibaato wayn, oo dhimaya shaqooyinkii ay qaban jireen.
Marka dakhligu hoos u dhaco, waxay saamaysaa xubnaha, waana ay sii adkaataa in la helo ilo kale oo dakhli ah.
Ururka faaligga (Alzheimerforeningen) ayaa ka mid ah ururada yaryar, ee taallaabooyin fiican qaaday xilligan kala guurka. Peter Nissen ayaa sheegay, in ururku shaqaaleeyay qof khibrad leh oo dhaqaale raadiya (fundraiser).
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban