Deenishka jarmalka oo caawinaya ajinebiga
04. feb. 2010 09.49 SoomaaliDhallinyaro xadka deggan, oo ku kortay labada dhaqan ee deenishka iyo jarmalka, ayaa ajinebiga tusaya faaidada ugu jirta, inay yeeshaan dhaqammo badan.
Sidoo kale waxay deenishka barayaan, in qofku deenish u noqon karo siyaabo kala duwan, ayuu qoray wargayska Kristeligt Dagblad.
Ururka xadka "Grænseforeningen" ayaa bilaabay dadaal uu u magacaabay koox "danjirayaal dhaqan" ah, oo dalka ka qabanqaabiyay 75 kulan dhaqameed ay kaga warrameen waayoaragnimadooda, iyagoo abuuray in dhallinyarada dugsiyada kala duwan ee heerka dugsiga sare ahi, ka wada hadlaan deenishnimada.
Maaha dhibaato
Xoghayaha guud ee ururka xadka , Knud-Erik Therkelsen, ayaa rajaynaya, inay dhallinyarada deenishku fahmaan, in aanay dhibaato ku jirin, inay dhaqammo badan yeeshaan.
- Sidoo kale waxay rabaan, inay dhallinyarada ajinebiga baraan, inay ku qab waynaadaan labada dhaqan ay leeyihiin. Iyo inay ku qab waynaadaan, inay laba luqadood ku hadlaan, ayuu ku yidhi warka P3.
Way u fiican tahay qalabixinta
Lataliyaha madaxa bannaan ee qalabixinta Esma Birdi ayaa soo dhawaysay ololaha, oo u muujinaysa ajinebiga, inay sidoo kale jiraan koox laga tiro badan yahay oo deenish ah.
- Waxyaabo badan ayay iskaga mid yihiin labada kooxood, oo hadda gudagalay, inay is waydaarsadaan khibrad, taasoo u muhiim ah xilligan ay baadi doonayaan cidda ay yihiin, ayay ku tidhi Kristeligt Dagblad.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban