Naqdi siyaasadeed oo ku lid ah kulan dugsiyeedka bilaa aabbayaasha ah
04. feb. 2010 10.25 Soomaali
Opdat.: 04. feb. 2010 11.36Qaar badan oo ka mid ah dugsiyada Kobanheegan ayaa si gaar ugu tallaabsaday inay wadahadal la yeeshaan dumarka muslimiinta ah.
Xalay ayaa tusaale ahaan dugsiga Holbergskolen ee xaafadda woqooyi galbeed ku martiqaaday dumarka oo keli ah "kulan dumareed", sidaas waxa qoray wargayska Berlingske Tidende.
Waxa la filayay, in dumarka badan ee ajinebiga ah ee xaafadda dugsigu ku yaal kulmaan. Sida laga soo xigtay maamulaha dugsiga Søren Ellesøe, waxa adkaatay in lala hadlo kooxaha waalidka, marka aabayaashu joogaan kulammada sida kulammada waalidka.
- Sannadihii ugu danbeeyay waxa muuqday, in dumarka ajinebiga ah ay ku adkayd, inay ka soo qaybgalaan kulammada, waayo kumay faraxsanayn kulammada raggu weheliyo. Sidaas waa lagama maarmaan in mararka qaarkood jewiga la beddelo, si arrimahaas looga tallaabsan karo, ayuu DR Nyheder ku yidhi Søren Ellesøe.
Maamulaha dugsigu wuxu hoosta ka xarriiqay, in aanay jirin ujeeddo guud oo dugsigu ka leeyahay kala sooc sinjiyeed, oo kulammada waalidka rag iyo dumar loo kala sooco.
- Laakiin xaaladdan waxa nala habboonaaday sidan, ayuu yidhi.
Sida laga soo xigtay Søren Ellesøe, dugsiyada Rådmandsgades Skole iyo Blågårdsgades Skole, oo labaduba ku yaal xaafadda Nørrebro ee Kobanheegan ayaa waayoaragnimo fiican u leh arrimaha noocan ah.
Labada dhinac ee baarlamanka waa laga naqdiyay arrintaas.
- Waa arrin aan la aqbali Karin, in hawlaha dugsiga sidan loo kala qaybiyo. Waana in la joojiyo, inta aanay sii fogaan, ayay tidhi Pia Kjærsgaard (DF).
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga SF, Villy Søvndal ayaa naqdiyay. Waa in labada waalidba ka soo qaybgalaan hawlaha dugsiga carruurtooda. Waa sidaas caadada deenishku. Waa in sidaas loo sheegaa dugsiyada. Waxaan rajaynayaa, in agaasimaha dugsiyada Kobanheegan faraogeliyo arrinta, oo si fiican loo caddeeyo, in xataa haddii sidan niyadsami loo samaynayo, in aanay soconayn.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban