Danmark oo lacag dheeraad ah u la diyaar ah Nato
05. feb. 2010 10.38 SoomaaliKhasnadda lacagta ee Nato dalloolo badan ayay leedahay, caqligana geli mayso in la yidhaahdo ha la madhxiyo, iyadoo dhibaatooyin badani jiraan.
Sidaas awgeed waxay Danmark sidoo kale ku qasban tahay, inay dhawr milyan oo kale u dirto miisaaniyadda gaashaandhigga ee isbahaysiga militeri ee la wadaago, ayuu sheegay wasiirka gaashaandhigga Søren gade.
Xaddiga dhabta ah ee khasaaraha miisaaniyaddu waa sir culus. Laakiin sida laga soo xigtay diblamaasi Nato ah, waxa lagu xallili karaa in dawladuhu ku yaboohaan gacan mar ah oo dhan 100 milyan oo doolar (540 milyan koron).
Miisaaniyadda wadaagga ah ee Nato waxa Danmark ku soo hagaaga ilaa 1.5 boqolkiiba. Haddii tiradaas laga duulo qaybinta, waxay Danmark siinaysaa Nato 8,1 milyan oo koron oo dheeraad ah.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban