Danmark oo guddoominaysa shirwaynaha QM ee faqriga
08. feb. 2010 09.55 SoomaaliXoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa Danmark u magacaabay guddoominta wada xaajoodka shjirwaynaha QM ee sebtambar lagu qabanayo New York, halkaas oo madaxda dalalka dunidu kaga hadlayaan, sida loola dagaalamayo faqriga iyo dibudhaca. Sidaas waxa qoray wargayska Berlingske Tidende.
Shirwaynuhu wuxu sidoo kale dhabbada u jeexayaa, sida dalalka hodanka ah iyo kuwa soo korayaa, wadajir isaga kaashanayaan dhaqangelinta siddeedii qodob ee yoolka 2015, kuwaasoo sannadkii 2000 saldhig looga dhigay iskaashiga horumarka caalamiga ah.
- Taasi waxay ka dhigan tahay, in aynnu diyaarinno shirwaynaha, hoggaaminno wada xaajoodka, soona diyaarinayno qoraalka ay tahay in la isku raaco, ayay tidhi wasiirka horumarinta Ulla Tørnæs.
Waa aqoonsi
Waxay u aragtaa doorashada Ban Ki-moon ee shirguddoominta Danmark aqoonsi cad.
- Waxan qabaa, inay aqoonsi wayn tahay, in Danmark hoggaamiso shirwaynaha caalimga ah ee iskaashiga deeqaha. Waan u han waynahay, in aynnu madaxa kaga jirno shirwayne sidan u muhiim ah. Waxa kaloo cad in aanay hawshiisu fududayn, ayay carrabka ku xejisay wasiirka horumarintu.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban