Dagaalka Afqaanistaan ka qaalisan sidii la filayay
08. feb. 2010 10.42 SoomaaliMa ha aaskarta deenishka oo keli ah kuwa bixinaya qiimaha dagaalka Afqaanistaan.
Laba sano ayaa qiimaha dagaalku ku taagan yahay Danmark, kor uga kacay min 353 milyan ilaa bilyan iyo dheeraad, ayuu qoray wargayska Politiken.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo xarunta ku dhow, qarashku wuxu kor ugu sii kacayaa ilaa 500 milyan oo koron oo kale sannadka 2010 oo keli ah.
Qarash dhimisi waa lama huraan ah
Sidaas awgeed taliyaha ciidanka, Janaral Knud Bartels, ayaa hadda ku talojira qarash dhimis ballaadhan.
Arrimaha la soo jeediyay waxa ka mid ah in la fadhiisiyo ama la iibiyo lix helikobtar oo cusub oo noocoodu yahay EH 1010, kuwaas oo sida laga soo xigtay gaashaandhigga bishii Juun ay ahayd in la geeyo Afqaanistaan muddo sannad ah.
kor u kaca qarashka dagaalka waxa keenay ugu horrayn rasaasta sida wayn loo isticmaalo iyo qarashyada aan caadiga ahayn ee dayactirka iyo gaadiidka qaadaya qalabka la gelinayo baabuurta dagaalka , ee Dalibaan burburisay, ama ciidda saxaaruhu ka dhigtay dar aan la isticmaali karin.
Waxa kaloo intaas dheer qarashyada mushahaarooyinka sarreeya.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban