preload loader
id top nyheder
daryeelka waayeelka

Deenishku aad ayay u jecel yihiin barwaaqosooranka. Ma rabaan in la taabto, iyo in wax laga dhimo

 

Skrevet af: 

 

Deenishku ma rabaan in la taabto barwaaqosooranka

08. feb. 2010 11.22 Soomaali

Dadwaynaha deenishku diyaar u ma aha, in la taabto barwaaqosooranka si loo daboolo khasaaraha khasnadda dawladda ee ku dhoq 95 bilyan oo koron.

Sidaas waxa muujiyay baadhitaan cususb, oo ay samaysay xaashiwareedda wiiglaha ah ee ururka LO, A4.

Boqolkiiba 12 dadkii wax la waydiiyay ayaa ku jawaabay, in la dhimo adeegyada dawladda si loo daboolo khasaaraha.

- Deenishku aad ayay u jecel yihiin barwaaqosooranka. Ma rabaan in la taabto, iyo in wax laga dhimo, ayuu yidhi borofisar ku takhasusay aqoonta siyaasadda, Kasper Møller Hansen, oo ka tirsan jaamacadda Kobanheegan.

Xisbiyada ayaa kala qaybiya
Waxay isku waafaqsan yihiin deenishku, waa in barwaaqosooranku yahay muqaddas, sida ay ugu kala tagsan yihiin, markay timaaddo sida loo daboolayo khasaaraha ku yimaadda khasnadda dawladda.

Halkaas ayay deenishku ku kala qaybsamaan, iyagoo kala raaca xisbiyadooda.

Boqolkiiba 39 waxay soo jeediyeen in la kordhiyo saamiga ay bxiinayso cidda adeegga loo qabtaa, halka boqolkiiba 43 si cad u qabaan, in cashuuraha la kordhiyo, sida laga soo xigtay baadhitaanka A4.

- Waa soo jireen. Xisbiyada garabka waxay doonaan cashuur kordhin, halka kuwa garabka midig ka doonaan in adeegga cidda loo qabtay bixiso, ayuu yidhi Kasper Møller Hansen.

Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban
 

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Det danske formandskab

Det danske formandskab

Med Helle Thorning-Schmidt i spidsen er Danmark formand for EU det næste halve år. Følg med her.

 

Dronning i 40 år

Dronning i 40 år

Margrethe har været dronning i Danmark i 40 år. Se alt om jubilæet her

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.