Carruur badan baa ku xidhan xabsiyada dadka waawayn
09. feb. 2010 09.46 SoomaaliCarruur badan baa muddo dheer ku xidhan xabsiyada dadka waawayn, inkastoo la ballanqaaday in aanay sidaasi dhicin, sidaas waxa qoray wargayska maalinlaha ah ee Information.
Dawladda ayaa sannadkii hore ballanqaadday, in loo helo carruurta xarumo lagu xidho, ballantaasna waa la fuliyay. Laakiin tiradii ayaa badatay oo si wayn kor ugu kacday.
Baahidu weli way sii kordhaysaa
Sannadkii 2007 waxa xabsiyada dadka waawayn galay 164 carruur ah ka dib markii xarumahu ka buuxsameen. Sannadkii 2008 waxay tiradaasi kor ugu kacday 207 dhallinyaro ah.
Tirada 2009ka weli lama sheegin, laakiin waxa la filayaa inay kor sii kacayso, siday xaqiijiyeen gobollada deenishka, oo diyaariya tirokoobyada iyo faallooyinka la xidhiidha aaggaas.
Goballada deenishku waxay qiyaaseen, in hoos u dhaca carruurta qaangaadhka ka yar ee denbiyada sameeyay bishii Julay, ay goobtoodii buuxinayaan xabsi sugayaashu.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban