preload loader
id top nyheder
facebook-ga

Marka carruurta iyo dhallinyaradu isu qoraan tacliiq jareexo ah ama intarnetka geliyaan sawirro laga sheexayo, way kaga daran tahay xasaradda daaradda dugsiga.

Foto: DR © DR

 

Lagt på af: 

 

Xasaradda netka oo carruur badan saamaysa

09. feb. 2010 11.31 Soomaali

Marka carruurta iyo dhallinyaradu isu qoraan tacliiq jareexo ah ama intarnetka geliyaan sawirro laga sheexayo, way kaga daran tahay xasaradda daaradda dugsiga, ayay yidhaahdeen khubarada iyo carruurta labaduba.

Sidaas awgeed agaasinka miidhiyuhu wuxu maanta culays saarayaa, sida ugu habboon ay tahay in carruurtu u isticmaalaan intarnetka, ayuu qoray wargayska Berlingske Tidende.

Suurtagal maaha in la tirtiro sawirrada sheexa leh, kooxaha nacaybka faafiya iyo tacliiqyada xun, iska dhaaf ama is dhegomari goobaha bulshadu ku kulanto ee ingtarnetka sida Facebook, Arto iyo Habbo.

Dhibaatooyinka ugu wayn
Xasaradaha noocan ahi waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waawayn ee carruurta iyo dhallinyaradu kala kulmaan miidhiyaha dhijitalka ah maanta, sidaas waxa caddeeyay mashruuca EU Kids Online.

- Dhallinyarada six xun ayay u taabataa, haddii qof saaxiibkii ahi tacliiq jareexo ah ku qoro boggiisa ama sawir sheex leh soo geliyo, ayay tidhi Gitte Stald, oo wax ka dhigta jaamacadda IT-ga, deenishkana uga masuul ah baadhista  mashruuca EU Kids Online.

Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Det danske formandskab

Det danske formandskab

Med Helle Thorning-Schmidt i spidsen er Danmark formand for EU det næste halve år. Følg med her.

 

Dronning i 40 år

Dronning i 40 år

Margrethe har været dronning i Danmark i 40 år. Se alt om jubilæet her

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.