Shaqaalaha dawladdu fenishayso oo batay
14. jul. 2010 10.44 SoomaaliBilaha min abril ilaa juun ayay kor u kaceen tirade dadka ay fennisheen hayadaha dawladdu oo gaadhay Danmark oo dhan 4991. 2000 ayay ka badan yihiin sannadkii hore isla xilligaas. Bishan juun oo keli ah 1000 qof ayay ka badan yihiin juuntii sannadkii hore dadka helay waraaqda naxdinta leh ee fenishaaddu.
Sida ka muuqata tirakoobyada rugta ganacsiga ee ururada shaqaalaha, dadka dawladdu fennishtay ayaa ka badan dadka ay fennisheen shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Kooxaha shaqaalaha ah ee ay sartay mindida fennishaadu waxa ugu badan kalkaaliyayaasha caafimaadka, macallimiinta iyo shaqaalaha daryeelka dadka waawayn.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban, Statsbiblioteket