preload loader
id top nyheder
Indhoshareer

Boqolkiiba 53 ayaa dadwaynaha deenishka raba, in goobaha caamka ah laga mamnuuco indhoshareerka.

© DR

 

Skrevet af: 

 

Deenish badan oo raba mamnuucista indhashareerka

14. jul. 2010 11.45 Soomaali

1031 qof oo deenish ah ayaa ka jawaabay suaal la xidhiidha, fikradda ay ka qabaan, in meelaha caamka ah ee Danmark laga mamnuuco indhashareerka iyo wejiga oo la qariyo, iyo inaan la mamnuucin?

Tiro aqlabiyad yar ah ama boqolkiiba 53 ayaa dadwaynaha deenishka ku jawaabay haa, ha laga mamnuuco goobaha caamka ah indhoshareerka. Sidaas waxa muujiyay baadhitaan, shirkadda Epinion u samaysay shalay DR Nyheder. Boqolkiiba 38 ayaa dadka la waydiiyay suaashaas ku jawaabay, in aan la mamnuucin indhashareerka. Ragga raba in la mamnuuco ayaa ka badan dumarka raba.

Dhallinyaradu way ka soo hor jeedaan mamnuucista
Dhallinyaradu way ka soo hor jeedaan mamnuucista indhashareerka. Laakiin boqolkiiba 65 dadka deenishka ah ee da'doodu ka wayn tahay 55 jir iyo midhadh da'doodu u dhaxayso 35 ilaa 55 ayaa raba in la mamnuuco. Saddexdiiba hal, dadka da'doodu ka yar tahay 35 ayaa raba in la mamnuuco indhoshareerka. Boqolkiiba 60 ayaa da'dan danbe raba, in aan la mamnuucin indhashareerka.

Woqooyiga Yuulland ayaa ugu badan mamnuucista
Deenishka waxbarashadoodu hoosayso, ee aanay waydaarsanayn waxbarashada asaasiga ah ama farsamada gacanta ayaa raba, in la mamnuuco indhoshareerka.
 
Deenishka waxbarashada sare ee dheer leh, afartiiba mid ayaa qaba in la mamnuuco indhashareerka. Gebogebo ahaan dadka ugu badan ee raba, in la mamnuuco waxay ka soo jeedaan gobolka woqooyiga Yuulland, iyadoo boqolkiiba 69 rabaan in la mmanuuco. Waxa ugu hooseeya gobolka caasimadda oo boqolkiiba 45 keli ahi rabaan mamnuucista.

Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban, Statsbiblioteket

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Det danske formandskab

Det danske formandskab

Med Helle Thorning-Schmidt i spidsen er Danmark formand for EU det næste halve år. Følg med her.

 

Dronning i 40 år

Dronning i 40 år

Margrethe har været dronning i Danmark i 40 år. Se alt om jubilæet her

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.