preload loader
id top nyheder
Masaajidka Amager

Golaha deegaanka Kobanheegan ayaa cod aqlabiyad wayn ah ku ansixiyay qorshaha cusub ee naqshadda dhismaha masaajidka Amager.

© Tegnestuen BIG

 

Skrevet af: 

 

Masaajidka Amager oo la ansaxiyay

03. sep. 2010 10.39 Soomaali

Golaha deegaanka Kobanheegan ayaa cod aqlabiyad wayn ah, 45 oggolaaday iyo saddex ka soo horjeestay, ku ansixiyay qorshaha cusub ee naqshadda dhismaha masaajidka Amager.

- Waxa aynnu Danmark ku haysannaa xorriyad diimeed, sidaas awgeed masaajidka iyo kiniisadduba meel ayay ku leeyihiin dalkan. Diinta Islaamku waa caqiidada labaad ee ugu wayn Kobanheegan. Tiro ka badan 50.000 oo muslimiin ah ayaa deggan Kobanheegan, sidaas awgeed waa inay masaajid yeeshaan, ayuu agaasimaha deegaanka iyo farsamada, Bo Asmus Keldgaard, ku yidhi qaybta dhaqanka ee DR.

Masaajidka waxa laga dhisayaa jidka Njalsgade ee amager. Naqshaddiisana waxa samaysay shirkadda BIG, oo abaalmarin ku heshay naqshadda masaajidka ee sagaalka buurood ah, carwadii dunida ee Shanghai.

Shirkadda BIG ayaa mashruuca ka shaqaynaysay muddo shan sannadood ah, ayuu yidhi guddoomiyaha mashruuca Ole Schrøder, oo ku faraxsan, in siyaasiyiintii dawladda hoose ee Kobanheegan ansixiyeen qorsha masaajidka. Masaajisku u ma eka naqshadihii kalaasigga ahaa ee masaajidada, waxay BIG u sawirtay sida naqshadaha ku caanka ah dalalka nordigga.

- Masaajidku waa dhisme dhaqan, oo ay tahay inuu la jaanqaado dhismayaasha kale . laakiin waa hubaal, in loo isticmaali doono masaajid ahaan, ayuu Ole Schrøder ku yidhi DR Kultur.

Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban, Statsbiblioteket

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Det danske formandskab

Det danske formandskab

Med Helle Thorning-Schmidt i spidsen er Danmark formand for EU det næste halve år. Følg med her.

 

Dronning i 40 år

Dronning i 40 år

Margrethe har været dronning i Danmark i 40 år. Se alt om jubilæet her

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.