Dhallin badan baa ciidanka is qoraya
03. sep. 2010 11.38 SoomaaliXafiiska ciidamada waxa buux dhaafiyay araaji lagu codsanayo shaqooyinka ciidamada.
Sannadkii 2005 waxa soo codsaday shaqooyinka iyo goobaha waxbarashada ee ciidamada 3600, sannadkii 2009 araajidu waxay gaadhay 7000, siddeedii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2010 waxa ilaa hadda soo codsaday 4100.
- Sida muuqata, xiiso wayn ayaa loo hayaa shaqooyinka ciidamada. Wax dhibaato ahi nagama haystaan qorista ciidamada, ayuu yidhi Torben Grinderslev, afhayeenka xafiiska ciidamada.
Wuxu intaas ku daray:
- Waxa aannu rajaynaynaa, in aannu gaadhsiinno heerkii 2009ka, weliba waxa suurtagal ah inay ka bataan.
Miidhiyaha iyo xiisadda dhaqaalaha ayaa door ka qaatay
Torben Grinderslev wuxu qabaa, in miidhiyuhu door wayn ka qaatay xiisaha dalbashada ciidamada.
- Waxyaabaha keenay xiisaha wayn ee ciidamada loo qabo, waxa ka mid ah miidhiyaha oo sannadihii danbe xoog uga hadlay arrimaha ciidamada.
Sidoo kale waxa caawisay xiisadda dhaqaalaha, ka dib markay dadka ku adkaatay helitaanka shaqooyinka rayidka ah, dabadeed ay soo codsadeen shaqooyinka ciidamada, ayuu yidhi Torben Grinderslev.
Markasta ma soo dhacdo dabaysha hadda dhacaysa ee lagu codsanayo shaqooyinka kala duwan ee ciidamada.
Haddii dib loo eego sannadkii 2005, way adkayd in la soo codsado shaqooyinka ciidamada. Marwalba shaqooyin badan ayaa bannaanaa. Dhibaatadaas hadda waa laga gudbay, mana jiraan shaqooyin aan la buuxinine, ayuu yidhi Torben Grinderslev.
Waxa tarjumay: Ahmed Diria Liban, Statsbiblioteket