preload loader
id top nyheder
EU flag

25 ka mid 27ka dal ayaa galay heshiiska EU-da.

© Colourbox

 

Heshiiska Euroda oo la taageeray

01. feb. 2012 13.42 Soomaali

Aqlabiyad badan oo codbixiyayaasha ah ayaa taageeray heshiiska euroda, siday muujisay ra'yiururin Gallup u samaysay wargayska Berlingske.

Boqolkiiba 56 dadkii wax laga waydiiyay arrintaas ayaa waafaqsan, in Danmark gasho heshiiska euroda (europagt), oo ay habeenkii isniinta ku galeen magaalada Bruxelles 25 dal.

Boqolkiiba 27 ayaa ka soo horjeeda, in Danmark gashay heshiiska, oo laga yaabo inuu keeno kantarool EU-du saarto dhaqaalaha dawladaha.

Natiijada ayaa farxad gelisay dawladda, iyadoo afhayeenka arrimaha yurub ee xisbiga Radikaalka, Sofie Carsten Nielsen, ku faraxday, in la fududeeyay arrimihii kakanaa ee EU-da, dabadeedna ay siyaasaddan taageereen dadwaynaha deenishku.

Aqlabiyadda oo qabta ka joogista isticmaalka lacagta euro-da
- Taasi waxay muujinaysaa in culayskii ka kacay dadwaynaha deenishka. Heshiiska maaliyaddu waa muhiim, si loo xasiliyo dhaqaalaha yurub, dadwaynaha deenishkuna si fiican ayay u og yihiin, inay lama huraan tahay in Danmark u kacdo jihada saxa ah, ayay tidhi Sofie Carsten Nielsen. 

Laakiin teeda kale, inkastoo aqlabiyad badan oo dadwaynaha deenishka ahi haa yidhaahdeen heshiiska euro-da, waxa sii badanaya dadka ka soo horjeeda in la baabiiyo afartii arrimood ee deenishku gaarka ugaga joogeen EU-da. Boqolkiiba 65 codbixiyayaasha ka mid ah ayaa ayaa raba, inay halkeeda laga joogo isticmaalka lacagta euro-da. Bishii janaweri 2009, waxa arrintaas qabay boqolkiiba 42. 

Sofie Carsten Nielsen ayaa qabta, in tirada diiddan isticmaalka lacagta euro-da ee sii kordhaysa, inay u sabab tahay deenishka oo ka biyodiiday dalal badan oo koonfurta yurub ah, oo agaasimi kari waayay dhaqaalahooda.

Send eller anbefal link

 

TV- og radio

Trepartsforhandlinger

Trepartsforhandlinger

Trepartsforhandlingerne er i fuld gang. Hvad går det ud på, og hvad er seneste status. Få overblik her

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 
 
 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.