Taliyii eedaysnaa o ku noqday Afqanistan
02. feb. 2012 13.25 SoomaaliTaliye kooxeedkii deenishka ahaa, ee lagu eedeeyay dilka rayid reer Afqaanistaan ah, ayaa haddana shaqadii dib ugu laabtay.
Sidaas waxa sheegay wasiirka gaashaandhigga Nick Hækkerup (S), oo ay suaalo badan waydiiyeen guddida gaashaandhigga ee baarlamanka.
Taliye kooxeedka ayaa markii ugu horraysay dalka loo soo qaaday 28 noofambar, iyadoo maxkamadda ciidamadu ku eedaysay inuu si foolxun ugu adeegsaday waajibaadkii dagaal hubaysan, taasoo ciqaabteedu tahay ilaa saddex sano oo xadhig ah.
Eedaynta taliye kooxeedka ayaa la soo gudbiyay 23 oktoobar, ka dib markuu gantaalo ku riday koox laga shakiyay oo ay ku soo baxeen baabuur waardiye ka haysay Bridzar, oo ka tirsan gobolka Helmand. Waxa goobta ku dhintay nin reer afqaanistaan ah, laba kalena way ku dhaawacmeen weerarkaas.
Wasiirka gaashaandhigga "tilmaamo cad"
Mar danbe ayaa la ogaaday, in dadka la weeraray ee reer Afqaanistaan ahaayeen rayid, welina xeerilaalintii ciidanku way baadhaysaa kiiska, iyo in la sameeyay wax ciqaab mudan.
Sidu sheegay wasiirka gaashaandhiggu, ma jiraan "tilmaamo cad" oo la xidhiidha, goorta askariga la keenayo dalka marka baadhis lagu wado kiisaska la xidhiidha ku xadgudubka isticmaalka awoodda.
- Goaanka la xidhiidha dib ugu celinta askariga ee foronta waxa loo qaataa si shakhsi ah, qiimayn goan oo lagu sameeyay ayaana lagu qaatay goaankaas, ayuu qoray Nick Hækkerup.
Taliye kooxeedka ayaa 6dii janaweri dib loogu celiyay Afqaanistaan "si uu dib ugu bilaabo hawshiisii ciidan", sida wasiirka gaashaandhiggu arrinta u dhigay.