Ardayda oo kaashan kara Google
09. feb. 2012 12.02 Soomaali
Opdat.: 09. feb. 2012 12.03Sidee ingiriisi loogu tarjumi karaa "Lo'i ma joogto barafka - der er ingen ko på isen"? Waa maxay udubdhexaadka hawlaha uu qabtay Hemingway? Goorma ayuu dhintay Tycho Brahe?
Suaalaha noocan ah ayay dhawaan ardayda dugsiyada sare ka baadhi karaan jawaabahooda intarnetka. Waana dalka keli ah ee ay suurtagal tahay, in imtixaannada qoraalka ah la kaashan karo intarnetka lix maaddadood, iyadoo haddana la sii kordhiyay, oo la gaadhsiinayaa 11 maaddadood.
Sidaas waxa qoray wargayska metroXpress.
Waxay la halmaashaa waaqaca
Laga bilaabo sannadka 2014, ardayda dhigata dugsiyada sare ee caadiga ah, dugsiyada ganacsiga iyo htx ayaa tusaale ahaan imtixaanka qoraalka ah ee ingiriisada heerka A, loo oggol yahay inay kaashadaan Google-ka. Sidaas waxa maanta khamiista baahiyay wasaaradda waxbarashada.
- Markay dadku shaqaynayaan, waxay kaashadaan intarnetka. Sidaas awgeed waa muhiim, in ardayda lagu tijaabiyo qaababka shaqada, ee la halmaala waaqaca, sida intarnetka iyo Google-ka, ayaa wasiirka waxbarashada Christine Antorini (S) ku tidhi wargayska metroXpress.
Waa markii kowaad, ee la oggolaado in luqad ajinebi loo kaashado intarnetka, sidaas awgeedna waa in imtixaannada ingiriisidana wax laga beddelo sidoo kale, si ay uga duwanaadaan layliyada tarjubidda deenishka iyo ingiriisida ee hore loo yiqiin.
Macno samayn mayso, marka ardaydu isticmaali karaan borogaraamka tarjubaanka ee intarnetka, Google Translate.