Sooshal dimuqraadiga oo sii hoobtay
01. jun. 2012 12.40 SoomaaliRa'yiururin cusub oo la qaaday ka dib markay dawladda haysteen xisbiga Sooshal dimuqraadigu sagaal bilood ayaa tilmamaysa boqolkiiba 16,9 oo ah natiijadii ugu hoosaysay taariikh ahaan ay samayso Megafon.
Rikoodhka ugu hooseeyay ayaa ahaa boqolkiiba 17,7. Taasina waxaahayd sannadkii 1998, markii aisalwasaareihii xilligaas, Poul Nyrup Rasmussen, ay ku kaceen duufaanno siyaasadeed oo ka dhashay garantiiga hawlgabka mushaharka dabadii.
Libaraalka oo ku labanlaabmaya Sooshalka
Garabka bidix ayaa guud ahaan haysta boqolkiiba 43,4 codbixiyayaasha ah, halka garabka midig ka haystaan boqolkiiba 56,6.
Halka uu ka sii hoobanayo xisbiga Sooshal dimuqraadigu, waxa cirka sii maraya xisbiga Libaraalka, oo haysta boqolkiiba 34 codbixiyayaasha, tiradaas oo ku labanlaabmaysa xisbiga Sooshalka.
Xisbiga taageera dawladda, Enhedslisten, ayaa haysta boqolkiiba 11,3 codbixiyayaasha oo ku labanlaabmay xisbiga SF, oo haysta 5,7 codbixiyayaasha.
Xisbiga kale ee ku weheliya dawladda Sooshal dimuqraadiga, waa Radikaalka e, ayaa helay boqolkiiba 9,2, kaasoo dib u dhac yari ku yimi, waayo wuxu bil ka hor haystay 10,6 codbixiyayaasha, marka la eego doorashadiina wuxu helay 9,5 codbixiyayaasha.