PET hore oo ka baqanaya CIA-da
14. jan. 2013 12.30 SoomaaliDayrtii sannadkii hore ayaa Morten Storm sheegay, inuu ku jiray liiska dadka ay mushaharka siiyaan bilayska nabadsugidda, PET, uu wararkana u gudbin jiray hayadda sirdoonka Maraykanka, CIA.
Wararkaas uu gudbin jiray, ayaa sidu sheegay Storm, u suurtageliyay Maraykanka, inay dilaan hoggaamiyaha Al-Qaeda, Anwar Al-Awlaki.
Laakiin arrintaasi cawaaqib xun ayay ku keentay ninkaas hore ugu shaqayn jiray bilayska nabadsugidda, isagoo ka cabsi qaba waxyaabaha ka dhalan kara iskaashigii uu hore ula sameeyay CIA-da:
- Wakiil hore ugu shaqayn jiray CIA-da, oo aannu ku kulannay dalka Shiinaha, ayaa ii shegay inaan soo gebogebeeyo hawlgalkayga bisha May, sidaas awgeed ayaan hadda u soo baxay, ayuu yidhi Morten Storm oo waraysi ballaadhan uu la yeeshay warka axadda, 21 Søndag.
Ma leh qorshe mustaqbalka ah
Sidoo kale halista uu ugu jiro aargoosiga Al-Qaacida darted ayaa Storm iyo reerkiisu aanay ku noolayn nolol caadi ah. Way dddhuunteen, DR-guna waxay ninkaas hore ugu ssshaqayn jiray mukhaabaraatka kula kulmeen cinwaan qarsoodi ah.
- Carruurtaydu waa muslimiin, al-qaacidana ma rabaan inay dilaan muslimiinta, waa aniga cidda yoolkoodu yahay. Laakiin wax way soo gaadhi karaan, haddii al-Qaacida hesho halkaan joogo, ayuu yidhi.
Sidaas awgeed hadda wuxu ku sugan yahay xaalad uu marwalba ka fikiro nabadgelyadiisa iyo ta reerkiisa - mana laha qorshayaal mustaqbalka ah:
- Maanta ayuun baan ka fikiraa.