Qaab baaneedka cusub ee Danske Bank
21. jan. 2013 12.08 SoomaaliLaga bilaabo isniinta maanta baanka Danske Bank ayaa ku shaqaynaya qaab baaneed cusub.
Qaabkan cusub ayaa macmiisha loo kala qaybinayaa lix kooxood iyo laba qaab oo ishtiraakaad (abonnementsmodeller), kuwaasoo saddexdii biloodba ku kala kici doona macmiisha qarash dhan min 0 ilaa 120 koron.
Hodanka waxba laga qaadi maayo
Qarashyada ishtiraakaadka ayaa saamayn doona macmiisha gaarka ah ee yaryar iyo kuwa dhexe, halka aan waxba laga qaadi doonin macmiisha uu ganacsigooda baanku guud ahaan ka sarreeyo 750.000 koron.
Sidaas waxa sheegay maamulaha qaybta shakhsiga ee baanka Danske Bank, Tonny Thierry Andersen.
Isbedellada ayaa salka ku haya faaidooyin wayn oo ku salaysan macmiisha.
Tusaale ahaan baanka Danske bank ayaa xisaabinaya ilaa 300 koron sannadkii mushaharqaataha kelidii ah ee macmiisha ah ee aan amah iyo kayd midna lahayn.
Macmiisha waawayni wax yar ayay bixinayaan
Teeda kale baanka Danske Bank ayaa siinaya fursad latalin shakhsi ah macmiisha yaryar iyo kuwa dhexe.
Baanka Danske Bank ayaa qaabkan cusub ku goaansaday, in macmiisha laga daboolo qaybo ka mid ah qarashyada si loo xoojiyo hawlqabadka arrimaha baanka.
Sidaas awgeed qarashyada la xidhiidha soo wareejinta amaahda hantida maguuraanka ah, amaahda baabuurta iwm waxa gebi ahaan ama qayb ahaan bixinaya baanka. Macmiisha waawayn ayaa wax yar bixinaya.
Waxa intaas dheer in baanka Danske bank la yeeshay iskaashi wayn shirkadaha Topdanmark iyo Home, si macmiisha loogu jebiyo caymisyada iyo caawimada iibka hantida maguuraanka ah, iyadoo taasi ku xidhnaan doonta nooca macmiisha.