preload loader
id top nyheder
Ny ulv - Brugerbilleder

© Brugerbillede

 

Ilaa 100 yey ayaa imanaya Danmark

25. jan. 2013 12.32 Soomaali

Yeydu 200 oo sano ayay ka maqnaayeen Danmark, Laakiin hadda ayay ku soo laabanayaan, iyagoo ka imanaya badhtamaha Yurub.

Wiiggii hore ayaa dad badani haddana yey kale ku arkeen galbeedka Yuulland.

Tanina waxay sabab fiican u tahay, in loo diyaar garoobo soo laabashada yeyda, ayuu yidhi khabiir.

Khabiirka yeyda: ilaa 100 yay ayaa imanaya
Peter Sunde oo cilmibaadhis ku sameeya xayawaanka duurjoogta ah, kana tirsan machadka Bioscience ee jaamacadda Aarhus, ayaa qaba inay sannado yar Yuulland ku soo gelyaan ilaa 100 yay.

Sida khabiirku sheegayna, waxa yayda la soo dersaya dhibaato wayn oo dhinaca cuntada iyo dhulkii ay ku noolaan lahaayeen ah.

- Aragti ahaan meel waa loo helayaa ilaa 100 yay Yuulland. Laakiin markay runi run timaaddo waa in loo diyaar garoobo, ayuu yidhi Peter Sunde.

Cabsi innaga ma hayso
Ma jirto cabsi innaga haysa imaanshaha yeyda, ayuu yidhi khabiirku.

- Dadku ka cabsan maayaan yeyda, iyaga ayaaba yeydu dhuunta, wax khatar ahna kuma aha dadka, ayuu yidhi Peter Sunde.

Laakiin waxa meelo kale oo yeydu dhibaato gaystaan, markay faro bataan;

- Sida inay dhibaatooyin u gaystaan adhiga. Dadka ugaadhsada ugaadha duurjoogta ahna, waxa laga yaabaa, inay dhif helaan ugaadhaas, haddii ay meesha soo gasho yeydu.

Waa in loo diyaar garoonbo, haddii yeydu timaaddo
Peter Sunde ayaa qaba, in qorshe loo sameeyo, sidii loo meelayn yeydaasi, markay yimaaddaan.

Qorshuhu waa inuu yool lahaadaa, waxa la samaynayno, haddii yeydu timaaddo, waxana uu carrabaabay;

- Maxay ayaynnu rabnaa, immisa yey ayaynnu rabnaa, halkee dalka laga dejinayaa, maxaa aynnu u qabanaynaa, ayuu yidhi Peter Sunde.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.