Deenishka oo laga qaaday dahabkii
28. jan. 2013 12.58 SoomaaliSpain ayaa ku guulaysatay koobkii dunida ee kubadda gacanta. Ciyaartii ugu danbaysay ayay Danmark ku raacday guuldarro wayn oo ah 19-35. Waana gebogabadii ugu xumayd uguna murugo badanayd ee ciyaarahii koobka dunida Spain, oo si fiican ugu bilaabmay deenishka.
Danmark u ma ciyaarin si fiican bilawgii ciyaarta, laakiin dhawr jeer ayay heshay fursad ay dheellitirka ciyaarta soo celiso qaybtii hore, waxase dayacay Hans Lindberg, Jesper Nøddesbo iyo Anders Eggert.
Spain ayaa sidoo kale kordhisay dardarteeda, oo nasashadii ka hor ciyaarta ku soo xidhay, iyadoo ku hoggaaminaysa 18-10.
Ciyaarta qaybtii labaad ayaa Spain ay halkii ka sii wadday gacansarrayntii, deenishkana jac ayaa la gaadhsiiyay qaybtii labaad, oo spain gaadhsiisay min 18-11 ilaa 25-11.
Goolwalaha kooxda Spain, Arpad Sterbik, ayaa noqday dhagax aan la marin oo deenishku mari waayeen.
Mikkel Hansen ayaa isku meeraystay, Nikolaj Markussen, Rasmus Lauge iyo Bo Spellerberg way socodsiin kari waayeen kooxda deenishka, ciyaartiina waxay ku gebobaysantay iyadoo 14 gool laga horreeyo Danmark.
Waa markii labaad ee ciyaaraha koobka dunida ay Danmarki ka soo gaadho guuldarro wayni. Dalka Sweden ayaa laba sano ka hor ay Faransiisku kaga guulaysteen waqti daayicii lagu kordhiyay ciyaarta.