preload loader
id top nyheder
sas

200 oo shaqodhimis dhinaca maamulka SAS lagu samaynayo ayaa saamayn doona shaqaalaha deenishka, ayay tidhi guddoomiyaha arrimaha saxaafadda ee shirkaddu.

Foto: NF

 

SAS: Fenishaado saamaynaya Danmark

28. jan. 2013 12.56 Soomaali

Shaqaale dhimista shirkadda SAS ayaa soo gadhay qaybta maamulka deenishka, iyadoo hadda la dhimayo 200 shaqo oo qayb ka ah qorshaha tashiilka.

- Ma hayno tirada saxa ah ee shaqaalaha la dhimayo Danmark, laakiin waxa aannu farriin ku helnay, inay tahay ilaa 200 oo qof, oo ka kala shaqeeya Swden, Norway iyo Danmark, ayay tidhi agaasimaha saxaafadda ee shirkadda SAS, Trine Kromann-Mikkelsen.

Markii hore maamulka shirkadda ayaa soo bandhigay, in la dhimayo 800 shaqo, laakiin hadda waxa mindidu la tegaysaa ilaa 1.000 shaqaale ah.

Qorshaha madhxinta: shaqo dhimista ugu yar baa loo samaynayaa Danmark
Farriinta hordhaca ah waxa sababay, iyadoo la meelmarinayo qaybo ka mid ah qorshaha cusub, ka hor inta aan isbedellada lagu dhawaaqin.

- Waa in dad sax ah loo dhiibo xilal sax ah, si ay qaataan goaamada, ayay tidhi guddoomiayaha arrimaaha saxaafadda ee shirkaddu.

Hoggaanku is lama meeldhigin, tirada shaqooyinka laga dhimayo dal kasta, laakiin maamulka waxa lagu ururinayaa dalka Sweden, labada dal ee kale ee Norway iyo Danmarkna wax baa laga dhimayaa, sidii lagu sheegay qorshihii madhxinta ee noofanbar sannadkii hore.

SAS: Waa in aannu faaido soo saarnaa
Laakiin fenishaadaha la sameeyay xilliyadii ugu danbaysay ma garantii garaynayaan, in shaqaaluhu nefiso, waayo waxa soo socota oo miiska saaran shaqodhimis kale.

- Marna ma garantii garaynayno, in aan isbedello lagu samayn dhismaha shirkadda SAS mustaqbalka. Waa in aannu faaido soo saarnaa, ayay tidhi Trine Kromann-Mikkelsen.

Dad ka badan intii hore loo sheegay ayay tahay, inay raadsadaan shaqooyin cusub, ayaa kulankii khamiistii ee hoggaanka shirkadda SAS iyo afhayeennada la doortay ka soo baxday, laakiin sabtidii ayay markii ugu horraysay arrintaasi ku soo baxday wargayska noorwijanka ah, Dagens Næringsliv.
 
- Kulammada aannu hadda la gelaynno ururada shaqaalaha, ayay iska caddahay, inay yihiin qaar xasaasi ah oo ajandaha aanay ku jirin waxyaabo fiicani, waayo hadda waxa laga wada hadlayaa isbeddel lagu samaynayo qaabdhismeedka, ayay tidhi Trine Kromann-Mikkelsen.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.