Biyaha oo laga gooyo dadka bixin waaya
28. jan. 2013 14.20 SoomaaliWaa hab qallafsan, laakiin shaqaynaya. Shirkadaha biyaha dalka ayaa ka xidha biyaha dadka bixin waaya lacagta.
Sidaas waxa maanta oo isniin ah qoray wargayska Politiken.
Qaabka keli ah
Shirkadda Danva ayaa hadda ku leh macmiisheeda lacag kor u dhaafaysa 95 milyan oo koron, oo biyaha macaan ee la safeeyay ah. Kumana faraxsana in hayadaha dawladda ee cashuuruhu soo xeroon kari waydo lacagtaas.
- Ma eegan karno, marka xafiiska cashuuruhu waxba ka qaban kari waayo arrintaas, ayaa guddoomiyaha Danva, Lars Therkildsen, uu ku yidhi wargayska Politiken.
Wuxu ku nuuxnuuxsaday, in shirkaduhu gacanta ku qaateen sharciga, markay xidhaan biyaha.
Way shaqaynaysaa
Wakaaladda biyaha degmada Esbjerg ayaa ka mid ah shirkadaha isticmaala qaabkan, oo sidu sheegay maareeye Jesper Frost Rasmussen, si fiican "u shaqeeyay".
Labadii sannadood ee ugu danbeeyay ayaa shirkaddu hoos u dhigtay lacagihii kaga maqnaa macmiisha oo kor marayay afar milyan oo koron soona gaadhsiisay "dhawr boqol oo kun", sida maareeyuhu sheegay.