Dadka jilicsan aan waxba loo qaban
28. jan. 2013 14.22 SoomaaliTirada danyarta jilicsan ayaa si wayn u korodhay, laakiin degmooyinku wax yar bay wax taraan. Sidaas waxa muujiyay tirokoobyada hayadda agaasinka suuqa shaqada oo uu falanqeeyay wargayska wiiglaha ah ee A4.
Saddexdii sannadood ee ugu danbeeyay waxa caawimada caydha ku soo dhacay 15.000 qof. Teedka kale tirada dadka qaata caawimada caydha, ee degmooyinku dardargeliyaan ayaa kala badhantay. Sidaas awgeed degmooyinka ayaa soofayaasha ku dhaafay 40.000 oo qof oo qaata caawimada caydha.
Taasi waxay ka dhigan tahay, inay yaraadeen dadkii shaqotegayay, ayuu wargayska A4 ku yidhi Thomas Bredgaard, oo casharro ka bixiya xarunta cilmibaadhista suuqa shaqada, kana tirsan jaamacadda Aalborg.
Ururka lataliyayaasha arrimaha bulshada ee deenishka ayaa qaba, in degmoyinku dayaceen dadka liita.
- Tirakoobyada ayaa muujinaya, in aan deeqo hagaagsan loo fidin dadka jilicsan, ayuu yidhi guddoomiye Majbrit Berlau.
Waxay rabtaa, inay argato dadka jilicsan oo leh lataliye dhinaca arrimaha bulshada ah iyo qorshe ku celin kara suuqa shaqada.
Laakiin degmooyinka ayaa ku gacansaydhay arrintaas, oo sheegay inay eedda laaeyihiin siyaasiyiinta baarlamanka oo lacag dhimis badan ku sameeyay dhinacaas.
- Lacag aad u yar ayaannu ka helnaa baarlamanka. Wixii gaadho ayaana aannu ku maaraynaa, ayuu yidhi Ole Pass oo madax ka ah ururka madaxda demooyinka ee arrimaha bulshada, caafimaadka iyo suuqa shaqada ee Danmark.
Dawladda ayaa qiratay, inuu liito waxqabadka loo sameeyo dadka jilicsan. Dhibaatada waxay ka wada hadlayaan guga, marka laga xaajoonayo dibuhabaynta lagu samaynayo caawimada caydha.