Danmark oo iibgaynaysa Yuuraaniyam
28. jan. 2013 14.23 SoomaaliKa dib 25 sano oo lagu muransanaa tamarta nukliyarka iyo wasakhda yuuraaniyamta, hadda aqlabiyadda baarlamanka ayaa markii ugu horraysay u diyaar ah, in la qaado xayiraaddii saarnayd yuuraaniyamta, ayuu qoray wargayska Politiken.
Haddii Greenland codsato sidaas, waxa suurtagal ah in la qodo kaydka shanaad ee ugu wayn yuuraaniyamta dunida Kvanefjeld, oo ku yaal koonfurta Greenland.
Siyaasiyan waa la oggolaaday
Yuuraaniyamta ayaa loo isticmaalaa tamarta atamka iyo bamka nukliyarka ah labadaba.
Siyaasadda dhinaca nabadgelyada darteedna waxa ku waajib ah Danmark, inay aad uga fikirto arrintan, inta aan xayiraadda la qaadin.
Xisbiyada Sooshal dimuqraadiga iyo Radikaalka ayaa u gogolxaadhayn oggolaanshaha Greenland - inta la ilaalinayo heshiisyada caalamiga ah ee kantaroolka yuuraaniyamta.
Kuwa kale way iibiyaan yuuraaniyamta
Guga ayaa hayadda agaasinka khayraadka dabiiciga ah ee Greenland laga sugayaa warbixin la xidhiidha saamaynta soo saarista yuuraaniyamtu ku yeelanayso caafimaadka dadwaynaha iyo deegaanka.
Haddii la waayo khataro ballaadhan, waxa muuqata in aqlabiyadda baarlamanka Greenland u codaynayo, in la soo saaro yuuraaniyamta.
- Waxa aannu samaynaynaa goobo laga qodo yuuraaniyamta, annagoo iskaashi kala samaynayna Danmark. Kol haddii cido kaleba iibiyaan yuuraaniyamta, annaguna sidddoooo kale waa in aannu iibinaa. Waxa ka soo baxaya dhaqaale fiican, ayuu wargayska Politiken ku yidhi guddoomiye kuxigeenka ismaamulka Greenland, Jens D. Frederiksen (Demokraterne).