preload loader
id top nyheder
skoleelev,klasselokale,skole,elev,4.klasse,

Boqolkiiba 50 waalidka dhalay carruur dhigata fasallada 0-3 ayaa carruurta fasax u qaada xilliyo ka baxsan fasaxa caadiga ah ee dugsiyada. Boqolkiiba 63 waalidka dhalay carruur dhigata fasallada 7-9 ayaa sheegay, inay ugu yaraan hal mar carruurtooda u qaadaan fasax, iyadoo la dhiganayo dugsiga.

Foto: Janni Brixen © DR København

 

Dugsiga oo furan oo fasax loo baxo

29. jan. 2013 13.25 Soomaali

 Emil iyo Emma waxay u baxayaan fasaxa jiilaalka wiigga 6aad, halka carruurta dugsiyadu uga baxayaan fasaxaas wiigga 7aad. Aabbahood ayaa maamulaha dugsiga ka codsaday, inj carruurta loo fasaxo shan cisho. Arrinta sidan ahina waa caan.

Boqolkiiba 63 ka mid ah waalidka dhalay carruurta dhigata fasallada 7-9 ayaa sheegay, inay ugu yaraan hal mar u fasax qaadeen carruurtooda, iyadoo dugsiyadu furan yihiin. Tiro ku dhow rubuc ayaana dhawr jeer sidaas sameeyay.
 
Sidaasi waxay ku cadahay baadhitaan YouGov ay u samaysay wargayska Momentum. Tirokoobyada ayaa sidoo kale muujinaya, in boqolkiiba 50 waalidka dhalay carruurta dhigata fasallada 0-3 ay carruurta u kaxeeyaan fasax ka baxsan fasaxyada dugsiga.

Wasiirka oo ka xumaaday
Waa markii ugu horraysay ee la soo bandhigay tirokoobka fasaxyada la qaato, iyadoo dugsigu furan yahay. Wasiirka carruuerta iyo waxbarashada ayaa ka xumaaday baaxadda fasaxyadaas:

Wasiirka carruurta iyo waxbarashada ayaa arrintaas ku tilmaantay ixtiraam la'aan.

- fili maayo, inay habboon tahay, in carruurta guriga lagu hayo oo laga joojiyo dugsiga, marka qofku rabo, ama markay jaban tahay in fasax loo baxo, ayay ku tidhi wargayska Momentum.

Waxa arrintaas ku waafaqsan guddoomiyaha maamulayaasha dugsiyada, Anders Balle:

- Waa ayaandarro, markasta oo ilmaha laga joojiyo dugsiga oo la fasaxgeeyo. Ardayda waxa wiig ku dhaafa ilaa boqolkiiba 40 sannad dugsiyeedka ah. Waxa kaloo suurtagal ah inuu lumiyo iskaashiyo badan, ayuu ku yidhi DR Nyheder.
 
Waa dhibaato
Teeda kale wuxu qiray, inay waalidka qaarkood dhibaato ka haysato, inay fasax u baxaan xilliyada fasaxa. Wuxu ku nuuxnuuxsaday, inay inta badan xagga waalidka ka dhacdo, in loo baxo fasax xilli dugsiyadu furan yihiin.

Teeda kale fasaxa loo baxo xilli dugsiyadu furan yihiin waa dhibaato. Waa siday qabaan ururka waalidka ee dugsiga iyo waalidku. Guddoomiye Mette With Hagensen ayaa qabta, in shaqooyinka waalidka qaarkood wax aan suurtagelayn ka dhigaan fasax loo baxo, marka dugsigu fasaxa yahay.

- Sidaas awgeed waalidka ayaa arrintaas kala kulma dhibaato. Ama waa inay iska dhaafaan fasaxaba ama waa inay qaataan xilli dugsigu furan tahay.

Mette With Hagensen lafteeda ayaa fasaxyada wiigagga u dheeraysa carruurteeda, oo sidaas ku qaadata maalmo ay fasax u qaado, iyadoo dugsigu furan yahay, siday sheegtay.
 
Waxay intaas raacisay, inay waalidku ka masuul yihiin la socoshada hawlaha dugsiga ee ilmaha dhaafay, marka ilmaha loo qaado fasax, iyadoo dugsigu furan yahay.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.