preload loader
id top nyheder
deb anderssamuelsen

Anders Samuelsen oo ka tirsan xisbiga Liberal Alliance ayaa qaba, in dawladdu ka masuul tahay, in badi degmooyinka aanay dadkoodu ku jirin suuqa shaqada.

© DR

 

LA oo ka fajacay dadka badan aan shaqayn

29. jan. 2013 13.27 Soomaali

- Muddo badan ayaannu ogayn, inay arrintani u socdo dhinac qaldan. Laakiin inay halkaas xaaladdu gaadhsiisan tahay waa wax laga naxo.

Guddoomiyaha xisbiga Liberal Alliances Anders Samuelsen ayaa ka naxay, in saadaashu hadda muujinayso, in sannadka 2013 saddex degmo oo keli ah oo ka mid ah 89 degmo ee Danmark ay aqlabiyadda dadwaynaha deggeni shaqeeyaan.

Wuxu hadda rabaa, in baarlamanku ka doodo, waxa dad badan oo deenish ahi aanay u shaqayn.

Sannadkii 2009 tiro ka badan kala badh, ama 59 degmo ayaa aqlabiyadda dadkoodu shaqayn jireen.

- Arrinta waa dhibaato wayn oo la soo deristay mustaqbalka Danmark, waxana ay ku sii jeedna jidka saboolnimada. Haddii arrimuhu sidan u sii socdaan waxba u ma qaban karno dadka jilicsan ee u baahan caawimada. Markabkeennu wuu degayaa, ayuu yidhi Anders Samuelsen.

Dalka ayay wax yeelaysaa
Habeenimadii axadda ayaa warka axadda ee 21 Søndag uu sheegay in saddex degmo oo keli ah ay aqlabiyadda dadkoodu ku jiraan suuqa shaqada.

Tanina waa dhibaato wayn oo walaaceeda leh, ayuu qabaa Anders Samuelsen.

- Dawladdu xoog gacanta ugu ma qabato dhibaatooyinka. Waxa loo baahan yahay isbedello gun iyo baar ah oo lagu sameeyo suuqa shaqada deenishka - haddii aan sidaas la samayn, nidaamku wuu burburayaa. Hadda waxa aynnu u baahan nahay jawaab cad oo la xidhiidha waxa dawladdu ku talojirto, ayuu yidhi Anders Samuelsen.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.