Miisaska iibka DSB oo khasaare keena
29. jan. 2013 13.30 SoomaaliMiisaska alaabada lagu iibiyo ee tareenada DSB ayaa sagaal sannadood soo hoynayay khasaare dhan hal bilyan oo koron. Hadda shirkadda DSB ayaa ka fikiraysa, inay meesha ka saarto miisaska wax lagu iibiyo ee tareenno badan, ayuu qoray wargayska BT.
Warbixin uu soo saaray wasiirka gaadiidku ayaa muujisay, in shirkadda DSB tan iyo sannadkii 2004, markay shirkadda xadiidka dawladdu la wareegtay miisaska alaabada lagu iibiyo, ay soo hooyeen khasaare u dhexeeya 86 milyan iyo 115 milyan oo koron. Teeda kale shirkadda DSB ayaa sannadkii 2012 soo bandhigtay khasaare ay soo hooyeen dukaamada yaryar ee wareega, kaasoo dhan 925 milyan oo koron.
Miisas badan oo alaabada lagu iibiyo ayaa la xidhayaa
Maamule kuxigeenka shirkadda tareenada ee DSB, Anette Haugaard, ayaa sheegtay, in mushaharka shaqaalaha tareenadu horseedo khasaare ballaadhan. Shaqaalaha kaafiga iyo cuntada fudud ku dhex iibiya tareenka ayaa saddankii qaata 475.000 kr., taasina waxay sannadkii ku kacdaa qasaare dhan ilaa 100 milyan oo koron.
Xubinta xisbiga Libaraalka uga tirsan guddida gaadiidka, Martin Geertsen, ayaa qaba, in arrintaasi tahay cashuurta dadka oo si xun loo isticmaalayo.
Shirkadda DSB ayaa guud ahaan ku jirta dayn dhan 17,55 bilyan oo koron.