preload loader
id top nyheder
Far og baby
 

Saacadda ugxan samaynta ee dumarka

29. jan. 2013 13.43 Soomaali

Shaqada mise carruurta?

Waa suaal hor tiil dumar aad u badan 30eeyihii. Laakiin dumarka qaarkood baa dhakhtarka la xidhiidha, markay caadi u uuraysan waayaan - waxana u hadhay keli ah bacrimin qiimaheedu qaali yahay.

Dumarka oo dhan waxa ugxan samayntooda ku socota saacad hoose. Saacaddaas oo si aamusan u socota min maalinta ay dhashaan. Saacaddaas hadda dhakhtarrada ayaa dumarka ka caawin karaan, inay ogaadaan goorta ay joogsanayso, ee aanay dib u uuraysanayn.

Waxa loo baahan codka mawjadaha sare (ultralyd) iyo shaxsuaaleed
Goortu noqonayo xilliga ugu danbeeya ee uur la qaadi karaa waxay u baahan tahay shaxsuaaleed, wadahadal iyo ilmagaleenka oo lagu dhegaysto codka mawjadaha sare (ultralyd) iyo dhiig la iska qaado.

Arrintaasina waa ku caan caasimadda, ayuu yidhi dhakhtarka sare Anders Nybo Andersen. Tilifoonku ma damo xilliyada la ballansado talobixinaha bacriminta ee cusbataalka Rigshospitalet, ayuu yidhi dhakhtarka sare.

Farsamo kale oo la keeno
Waxa socda mashruuc tijaabo ah, sidii dumarkaas loogu qaban wax ka duwan waxa hadda loo qabto.

- Waxa aannu isku dayaynaa, in aanu helno farsamo kale oo aan ahayn ta hadda. Fikradda la xidhiidha ka hortegista ee la wado ayaa ka dhigan in laga baaqsado dhibaatooyinka gudhiya ugxanta ee horseeda dawaynta qaaliga ah, ayuu yidhi dhakhtarka sare, Anders Nyboe Andersen.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.