preload loader
id top nyheder
Madspild

Dhawaan ayaa la joojinayaa, in qashinka cuntada, waraaqaha, jaraaidka iyo balaastigga la isku dhex daro. Noocyo kala duwan ayaynnu qashinka u qaybinaynaa. Dhawr degmo ayaana haddaba sidaas ku dhaqaaqay.

Foto: DR

 

6 nooc oo loo kala soocayo qashinka

30. jan. 2013 12.34 Soomaali

Jaraaidka oo lagu rido sanduuq xashiish gaar ah, quraadaha jaamka oo lagu rido mid kale, kartuunada biisaha oo iyagana mid kale lagu rido, balaastigga madhan ee alaabada laga soo qaato duuukaamada oo iyagana mid afraad lagu rido,  caagagga yaryar oo iyagana mid shanaad lagu rido iyo ka lixaad oo daasadaha lagu rido.

Waxa aynnu baran doonaa qaab kale oo loo kala qaybiyo qashinka, oo ka duwan sidii hore aynnu u kala qaybin jirnay.

10 degmo ayaa bilaabay
Degmooyin badan ayaa dhab ahaan ku tallaabsanaya kala soocidda cusub ee qashinka. Taasi waxay ka dhigan tahay, in aynnu hadda u kala soocaynno qashinka lix qaybood.

Ujeeadadu waa, inaynnu ugu danaynno qashinkeenna deegaanka iyo dhaqaalaha labadaba. Ururka degmooyinka dalka ayaa og, in ilaa 10 degmo hadda ku tallaabsanayaan kala soocidda cusub ee qashinka.

Kala soocida qashinka waxay qayb ka tahay istiraatijiyad cusub oo dawladdu dhawaan soo bandhigayso.
Sidaas waxa DR Nyheder u sheegay Anders Christiansen, oo ah lataliyaha xafiiska farsamada iyo deegaanka ee ururka degmooyinka dalka.

Fikradda ka danbaysay kala soocidda qashinka waa in qashinka dib loo isticmaalo, tamartana la tashiilo. Kala qaybinta waxa samayn doona muwaadiniinta, ayuu yidhi Anders Christiansen.

Itiraatijiyad ayaa la soo bandhihgayaa
Dhawr degmo oo ay ka mid yihiin Gentofte iyo Ringsted ayaa hadda u diyaar ah, in dadwaynuhu si ballaadhan u sii kala qaybiyaan qashinka. Kuwa aan hadda ku tallaabsanna waa arrin sugaya, ayay tidhi wasiirka deegaanka, Ida Auken.

- Waxaan filayaa, in dhammaan degmooyinku fulin doonaan arrintan. Waxa cad, inay fiicnaan doonto xaaladda degmooyinka meelmariya arrinta, marka la soo bandhigo istiraatijiyada cusub, ayay DR Nyheder ku tidhiii Ida Auken.

Istiraatijiyadan waxa la soo bandhigi doonaa xilli aan fogayn.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.