Dumarka la dhibo oo joogaya dalka
30. jan. 2013 12.37 SoomaaliDumarka ajinebiga ah ayaa laga yaabaa, inay ku sii hoos jiraan guur lagu dhibaateeyo, iyagoo ka baqanaya in dalka laga saaro.
Dumarka ayay u dhowdahay, inay waayaan deggenaanshaha dalka, haddii ay joogeen wax ka yar laba sannadood.
Wasiirka caddaaladda, Morten Bødskov (S) ayaa raba, inuu arrintaas wax ka beddelo.
Waannu gacan qabanaynaa
Wasiirka caddaaladda ayaa soo bandhigay hindise u suurtagelinaya dumarka la dhibaateeyo, inay sii deggenaadaan dalka.
- Tani waa gacanqabsho loo fidinayo dumarka la dhibaateeyo, ee guurka ugu sii dhegenaada si aanay u waayin sharciga.
Morten Bødskov ayaa sidaas ku yidhi wargayska Politiken.
Xabsiga ayay ka soo baxayaan
Hindisaha waxa soo dhaweeyay xarumaha shidadda dumarka ee dalka.
Sidaas waxa sheegtay Birgit Søderberg. Waxay madax ka tahay ururka xarumaha shiddada ee dalka (LOKK).
- Tani waxay keenaysaa, in dumarka la dhibaateeyaa ay ka soo baxaan xabsiyada ay ku nool yihiin.
Dalkoodiina waa halis
Dumar badan ayaa ku jira xarumaha shiddada.
- Waxa aannu si wayn u la soconaa, in aynnu noloshoodu halis gasho ama bulshadu ciqaabto, haddii dumarkaasi ay ku laabtaan dalkoodii.
Birgit Søderberg ayaa sidaas ku tidhi wargayska Politiken.
Shuruud aan fududayn baa laga rabaa
Hindisaha sharcigan ayaa sidoo kale dumarka hordhigay shardi:
Waa inay muujiyaan rabitaan iyo awood ay ku dhex galaan bulshada deenishka.
Waxa loo yaqaan shardiga ku xidhnaanta, dumarka qaarkoodna wuu xannibi karaa.
Sidaas waxa qaba Uzma Ahmed Andresen oo ka tirsan shebekadda Hennah, oo la shaqaysa dumarka dhibban.
- Waxa la rabaa, in qofku ku firfircoon yahay bulshada deenishka dhexdeeda. Laakiin marka qofku dhibaataysan yahay waa go'doon. Waxa keli ah uu ka fikiraa sidu uga doogi lahaa dhibaatada.
Uzma Ahmned ayaa sidaas u sheegay wargayska Politiken.