preload loader
id top nyheder
Jobcenter Næstved

Maamulaha xarunta shaqada Næsteved ayaa tilmaamay, in waqti badan lagu qaato arrimaha maamulka, si loo fududeeyo meelmarinta sharciyada

Foto: Asger Ellekrog © DR

 

Biroqraadiyadda wayn ee xarunta shaqada

30. jan. 2013 12.58 Soomaali

Jonna Von Bülow waa kiismaareeye ka shaqaysa xarunta shaqada Næstved. Maalinteeda inta badan waxay ku qaadataa arrimo maamul, halka ugu badnaan rubuc waqtigeeda ka mid ah ay ku bixiso dadwaynaha.

- Aad ayuu u yar waqtiga ay la kulanto dadwaynaha. Arrintaasi walaac wayn ayay I gelisay, ayay tidhi Jonna Von Bülow.

Waayo marka ay waraaqaha ku dhex jirto way ku adag tahay, inay xidhiidh la yeelato dadwaynaha.

Mawjado waraaqo ah
Xarunta shaqada Næsteved ayaa hoggaankeedu la socdaa sida shaqooyinku isu gaadheen.

- Mawjado waraaqo ah ayaa ku dhaca miisaska shaqada - waana arrin ay ka siman yihiin madaxda iyo shaqaalaha, xilka saaranina wuxu yahay inay xaqiiqadaas u tarjubaan dadwaynaha ay khuseeyaan, ayuu yidhi Christian Von Benzon, oo madax ka ah xarunta shaqada Næsteved.

Wuxu si wayn u xusay, inay jiraan xeerar iyo sharciyo ay tahay in degmada iyo xarunta shaqadu meelmariyaan.

Dawladdii hore iyo tan labadubana waxay hore ugu ballanqaadeen, in aanay sidani dhicin.
Xeerka shaqada oo keli ah ayaa wax laga beddelay toban jeer sannadihii ugu danbeeyay, ayuu yidhi.

Xeerarka ayaa la hor mariyaa
Hawlaha la xidhiidha dokumentaynta, diiwaangelinta, habaynta iyo nidaaminta ayaa shaqaalaha xarunta shaqada Næsssteved ka qaada waqtiga.

- Dhibaatadu waxay tahay, inawooddayada oo dhammi ku dhammaato maamulka halkii wax looga qaban lahaa dadwaynaha, ayuu yidhi Christian Von Benzon.

Waana lagu qasban yahay, in tixgelinta kowaad la siiyo arrintaas xarunta shaqada.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.