Qorshaha cusub ee Afqaanistaan
30. jan. 2013 13.00 Soomaali13 bilyan oo koron ayay Danmark ku kaceen hawlgallada laga wado dalka Afqaanistaan.
Waxa ku nafwaayay 43 askaro oo deenish ah.
Laakiin hawlgallada deenishka ka wadaan dagaalka Afqaanistaan waa kuwo lagu guulaystay, ayay yidhaahdeen siyaasiyiinta deenishka ee galay heshiiska lagaga soo saarayo ciidamada deenishka halkaas ka hor 2015.
- Waxa aynnu Afqaanistaan u galnay, si aanu dalkaasi xarun ugu noqon argagixisada, Taliban hadda way is dhiibeen oo kuma guulaysan dagaalkii. Hawlgalka waxa lagaga hortegayay, inay Afqaanistaan ku dhuuntaan argagixisada caalamiga ahi. Hawlgalkaasna waa la fuliyay, ayuu yidhi Lars Løkke Rasmussen, oo madax u ah xisbiga Libaraalka, horena u ahaa raisalwasaaraha dalka.
100 milyan oo sannadkii ku baxaya tababar
Qorshaha cusub ee Afqaanistaan ayay wada saxeexeen dhammaan xisbiyada baarlamanku, marka laga reebo xisbiga Enhedslisten.
Qorshaha ayay ku xusan yihiin waxyaabo ay ka mid yihiin, in sannadka cusub aanay joogin ciidamada dagaalka ee deenishku dalkaas, badhtamaha sannadka 2014 laga soo qaado halkaas qalabka dagaalka.
Dabadeed waxa halkaas ku hadhi doona dhawr boqol oo nin oo laga yaabo inay wadaan dayuuradaha helikabtarrada ah ee xamuulka loo isticmaalo iyo dayuuradaha dagaalka.
Danmark way sii joogi doontaa dalka Afqaanistaan, xataa marka la soo qaado dayuuradaha ciidamada.
Tusaale ahaan Danmark waxay ka qaybqaadan doontaa dhismaha bilayska iyo ciidamada Afqaanistaan, oo sannadka 2014 ka dib qarashoodu kor u kici doono 100 milyan oo koron sannadkii sannadaha 2015-2017.
Lacagta waxa loo isticmaali doonaa waxbarashada iyo tababarro, ayay tidhi afhayeen arrimaha debedda iyo gaashaandhigga ee xisbiga Konserfatifka, Lene Espersen.
- Ugu horrayn waa in aynnu difaacno askarteenna oo tababarno ciidamada Afqaanistaan, si ay u la wareegaan masuuliyadda oo u la dagaallamaan kooxaha kacsan, ee xasilloonidarrida ka wada dalka Afqaanistaan. Ta labaad waa in dalka Afqaanistaan noqdo ka ugu ballaadhan ee laga caawiyo xagga horumarka, si ay u shaqeeyaan dugsiyada, cusbataallada iyo kaabayaasha kale, ayay tidhi Lene Espersen.
Kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo macallimiinta oo culays la saaro
Wasiirka horumarinta Christian Friis Bach (R) ayaa sheegay, in wax laga beddelay qorshaha deenishku ka qaybqaadanayo.
- Waxa ayynu xoojinaynaa waxyaabaha la hirgeliyay iyo nabadgelyada qosol kujabka ah ee la sameeyay. Waxa markaas culays la saarayay ciidamada deenishka, haddana waxa culays la saarayaa macallimiinta dugsiyada Afqaanistaan, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo xoojinta dawladda Afqaanistaan, ayuu yidhi Christian Friis Bach.