17 jir ka fakaday xukunka iskuday dil
31. jan. 2013 12.19 SoomaaliIskuday dil ma dhicin, markii koox ka kooban 10-12 ay bishii may ay ku weerareen jidka Griffenfeldtsgade ee Nørrebro oo ku taal Kobanheegan, gaadhi ay ku jiraan afar reer yuulland ah oo xaflad u socday.
Sidaas waxa xukuntay maxkamadda degmada Kobanheegan arbacadii shalay, iyadoo wiil 17 jir ah oo keli ah lagu eedeeyay kiiskan. Wiilka ayaa lagu xukumay, inuu gaystay garaacis daran.
Weerarka lagu qaaday kooxda reer yuulland ayuu sida la sheegay sabab u ahaa, iyadoo kooxda weerartay ay moodday, inay ka tirsan yihiin kooxda xidhiidhka la leh baandada Hells Angels, ee la yidhaahdo AK81 oo ay iska soo hor jeedaan kooxda Blågårds Plads.
Xidhiidhka baandada
Maxkamadda degmadda Kobanheegan ayaa caddaysay, in weerarku aanu xidhiidh la lahayn baandooyinka.
Weerarka ayaa mindi laga taagay mid ka mid ah kooxda reer Yuulland. Laba jeer ayaa laga geliyay naaska hoostiisa iyo dhabarka, laakiin waxa gaadhay dhaawac fudud.
Wiilka 17 jirka ah ayaa joogay goobta faldenbiyeedku ka dhacay, waxana laga helay mindi. Taasi waa caddaan, sida maxkamaddu qabto. Laakiin caddaan maaha, in mindida wiilku sitay tahay tii faldenbiyeedka lagu gaystay, mana aha wiilka 17 jirka ah ka mindida wax geliyay.
Maxkamadda ayaa qabta, inay intaas ahayd kaalinta uu kiiska ku leeyahay wiilka 17 jirka ah, laguna xukumi doono, inuu gaystay gacan ka hadal xun.
Sida la qorsheeyay maxkamadda ayaa dhici doonta gelinka danbe ee arbacada.