Mulkiilaha Thor: Waa arrin xun
31. jan. 2013 12.21 SoomaaliJette Andersen, oo leh eyga Thor oo la dili lahaa, laakiin hadda la waayay, noociisuna yahay schæfer ayaa qabta, inuu gebi ahaan qaldan yahay xeerka eydu.
- Waa wax laga xumaado. Cidina ma filayn in waxani dhacaan, oo xeerka eydu sida u shaqeeyo, ayay tv-gii galabnimada u sheegtay Jette Andersen.
Qodobada qarriban ee xeerka eyda ayaa u sabab ahaa, in bishii noofambar ay bilaysku ka kaxeeyaan gurigiisa eyga Thor, oo geeyaan meel xayawaanka lagu hayo.
Waxay filaysay in la ganaaxi doono
Eyga Thor ayaa bishii sebtanbar, iyadoo la lugaysiinayo qaniinay ey kale, laakiin Jette Andersen waxay filaysy, in lagu ganaaxi doono falka eygu gaystay.
Waxay aad u la yaabtay, markii bilaysku ka qaadeen Thor, si loo khaarajiyo. Waayo iyadu u ma arkayn qaniinyo halis ah:
- Labadii eyba waa la khaarajinayaa. Laakiin maxaa loo dilayaa ey oo dagaalkoodu ku joogsaday yeedhmo look ala yeedhay, ayay tidhi.
Ma oga meel uu Thor hadda jiro
Eygeeda waxay ahayd in maanta la dilo, laakiin shalay ayay la baxeen dad xidhan dharka bilayska.
- Waa arrin xun. Ma ogi meel uu hadda jiro, ayay tidhi Jette Andersen, oo shalay goor hore la soo gaadhay, in la waayay eygeedii.