Dhoofinta hadhaaga qashinka nukliyarka
31. jan. 2013 13.23 SoomaaliQorshuhu wuxu ahaa in 10.000 mitir saddexjibaaran ah oo hadhaaga qashinka nukliyarka ah lagu aaso carrada deenishka, laakiin hadda aqlabiyadda baarlamanka ayuu is beddelay fikirkoodu.
Sidu sheegay wargayska Politiken, siyaasiyiinta ayaa hadhaaga qashinka nukliyarka u diraya dalka debeddiisa, haddii loo helo dal arrintaas uga soo baxaya si masuuliyadi ku jirto.
- Waa in aynnu galno wadaxaajood dhab ah, haddii aynnu debedda u dhoofinayno alaabadan, iyo haddii la dhawrayo dhammaan xeerarka la xidhiidha, ayuu wargayska Politiken ku yidhi afhayeenka arrimaha caafimaadka ee xisbiga sooshal dimuqraadiga, Flemming Møller Mortensen.
- Marka loo eego yurubta kale wuu yar yahay xaddiga hadhaaga qashinka nukliyarka Danmark. Haddii la helo dal baaxad wayn, waa ajande dooddiisa wata, ayuu yidhi.
Degmooyinka deenishka oo diiday bakhaarka
Sannadkii 2003 ayaa cod loo dhan yahay baarlamanku ku bixiyay, in hadhaaga qashinka nukliyarka looga sameeyo bakhaar xarunta cilmibaadhista Risø ee Danmark.
Sannadkii 2011 ayaa la magacaabay lix bakhaar oo ku kala yaal shan degmooyinka deenishka ah.
Qorshuhu sidaas ayuu ahaa markii hore, laakiin xisbiyada qaarkood ayaa hakiyay meelmarinta arrintaas, degmooyinkii ay khusaysay qaarkoodna way diideen.
Aqlabiyadda baarlamanka ayaa dhawaan goaankooda dib ugu dhigay dhammaadkii sannadka, haddana waxay wadaan suurtagalnimada in loo dhoofiyo qashinkaas dalka debeddiisa.
Wasiirka: waa dhegaysanayaa taladooda
Wasiirka caafimaadka Astrid Krag (SF) ayaa ku shaagtay email ay u dirtay wargayska Politiken, in dawladdu culays wayn saarayso is afgarad ballaadhan oo xisbiyada baarlamaanku ugu taliyaan qashinka Risø.
- Dabcan waan dhegaysanayaa xisbiyada badan ee raba, in aynnu baadhno siday u suurtogelyso in dalka debeddiisa loo dhoofiyo qashinkaas, ayaa Astrid Krag u soo qortay wargayska Politiken.
Afhayeenka arrimaha caafimaadka ee xisbiga konserfatifka, Benedikte Kiær, ayaa qabta, inay caadi tahay isbedelka afkaartu.
- Qashinka qofku soo saaro waa inuu sidoo kale maareeyo, ayay ku tidhi wargayska Politiken.
Xisbiga Enhedslisten ayaa marka horeba diiddan fikradda ah, in la dhoofiyo hadhaaga qashinka nukliyarka, waxana uu soo jeeiyay, in hadhaaga qashinka nukliyarka yaallaan bakhaarka Risø.