Jyske Bank: Fenishaado ayaa la soo wadaa
01. feb. 2013 13.06 SoomaaliWiiggii hore ayay caddatay, in aanu kelidii soconayn baanka Spar Lolland, waayo kama soo bxixi karo shuruudaha hayadda agaasinka maaliyadda.
Dabadeed baanka Jyske Bank ayaa la wareegay dhammaan hawlihii baankaas - hadday tahay macmiil, shaqaale iyo dhammaan laamihii baanka Spar Lolland.
Hadda dad badan oo baanka baanka lala wareegay ku lug lahaa ayaa filaya xaashida fenishaadda.
Sidaas waxa kulan ay xalay saamilaydu ku yeesheen hoolka Maribo ka sheegay guddoomiyaha baanka Jyske Bank, Anders Dam.
Anders Dam ma sheegin tirada shaqaalaha uu saamayn doono erigaasi.
Baanka Jyske Bank wuxu kala wareegayaa baanka Spar Lolland dhammaan 45.000 oo macmiil u ahaa u ahaa laamaha baanka Spar Lolland iyo 70.000 oo macmiil u ahaa FinansNetbanken.
Isniintii ayaa ahayd maalinta kala wareegga rasmiga ah, waxana markiiba si wayn cirka isugu shareeray saamiyada baanka Jyske Bank, markii subaxnimadii la furay sayladda lacagaha.