preload loader
id top nyheder
Michael Rasmussen på pressemødet, hvor han indrømmede sit dopingmisbrug

Michael Rasmussen ayaa shir jaraaid ku qirtay, inuu isticmaalay diiriyayaal.

Foto: Henning Bagger © Scanpix

 

Rasmussen oo qirtay epo iyo hormoon kale

01. feb. 2013 13.08 Soomaali

Epo iyo hormoonka koritaanka ayaa 1999kii ka dhigay Michael Rasmussen hormoodka baaskiiladaha dunida, oo ninkaas deenishka ahi ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan ilaa la galay jidadka waawayn.

- Waxaan qaatay Epo iyo hormoonka koritaaaaaanka, ayuu u sheegay barnaamijka ciyaaraha ee TV2 Sporten.

- Waxay ka mid ahaayeen waxyaabaha aan maalin kasta qaato. Anshax sidaas u waynina ima hor taagnayn. Taas macnaheeduna maaha, inaan rumaysnaa, inay fiican tahay irbadda la igu mudayay.

- Waan xusuusan ahayn maalintii ugu horraysay aan jidhkayga ku mudo irbad. Xadka ayaan si wayn u waydaartay. Kumana koobna xuduudda aaan waydaartay waaga cusub ee u beryay shaqadaydii baaskiillada.

- Xilligaas waxaan ka mid ahaa dadka ugu fiican dunida baaskiil kaxaynta, laakiin maan dareemin in natiijooyinkayga fiicani ay ku yimaaddeen mawhibo, waxana aan dareemi jiray inaan ka baxo jidka, ayuu yidhi.

Michael Rasmussen ayaa sida la sheegay wax kasta u sheegay hayadaha ka soo horjeeda diiriyayaasha, si uu isboortiga uga caawiyo dagaalka lagu la jiro diiriyayaasha.

Suaashu la xidhiidha, intee in le'eg ayuu arrinta kala socday ninka kooxda leh, Bjarne Riis, sannadkii 2002, marku Rasmussen u ordayay kooxda, waxa Rasmussen uu kaga jawaabay:

- Maya, arrintaas waxba ka sheegi maayo. Wararka noocaas ah waxaan kula heshiiyay hayadda la dagaallanka diiriyayaasha, in aan wax kastaba u sheego, anigoo aan dadka kale si caam ah u fashilayn.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.