Kooxda Brøndby oo ku dhow kicitaan
01. feb. 2013 13.10 SoomaaliKooxda kubbadda cagta ee Brøndby ayaa ku dhow, inay dhaqaale ahaan kacdo, oo saaxadda ka baxdo.
Hoggaanka kooxda iyo ururka ciyaartoyga ayaa maalmo badan ka wada xaajoonayay arrinta lacagta fasaxa, laakiin DR Nyheder ayaa ilwareed wadaxaajoodyada ku dhow ka ogaaday, in maalmihii ugu danbeeyay arrinta la isku mari la' yahay.
- Waannu kala durugsan nahay, ayaa ka soo yeedhay ilwareedka.
Ururka ciyaartoyga ayaa raba 31 milyan
Arrinta la isku mari la' yahay, sidu sheegay ilwareed dhinaca Brønby ahi, waa garantii uu rabo ururka ciyaartoygu.
Ururka ciyaartoyga ayaa 31 milyan ka raba Brøndby, kooxduse awood u ma laha inay bixiso lacagtaas, halka ururka ciyaartoyguna uu Brøndby ka rabo garantii uu bixiyo baanka kooxda, Nordea.
Laakiin sida la sheegay baanku wuu diiday arrintaas, taasina way sii kala fogaysay labada dhinac, oo wadaxaajoodkoodu bilaabmay dhawr maalmood ka hor.
Ugu badnaan saddex cisho ayaa hadhay
Sida lagu qiimeeyay xaaladda ugu badnaan saddex cisho ayaa hadhay, in xal lagaga gaadho arrinta. Haddii sidaaso dhici waydo, markaas wuu kacay kulubkaasi. Saddex cisho ka dib waxa laga wadaa, in haddii xal lagu gaadhi waayo muddadaas ay bilaa mushahar noqonayaa ciyaartoyga iyo shaqaalaha kale uu kacay shaqobixiyahoodii.
Brøndby ayaa xalay farriin ugu dirtay sanduuqa ciyaaraha, inaan weli la isku afgaran wadaxaajoodkii.
- Sida la sheegay Brøndby IF ayaan weli mushahar siin shaqaalaheeda, iyadoo qorshaha raasamaalkeedu ku xidhan yahay heshiis lala galo ururka ciyaartoyga. Brøndby IF ayaa aad uga xun xaaladda murugada leh, ayuu farriin ku bixiyay kulubku.
Sida ilwareedka Brøndby sheegay, ma jiraan qorshayaal lagu sii socodsiinayo wadaxaajoodka berri subax, waayo wadahadalladu way soo oodmeen, labada geesna awood u ma leh, inay dhinacna u dhaafiyaan halkaas.