preload loader
id top nyheder
Elmast og vindmøller

© Colourbox

 

Maalgelinta tamarta cagaaran

01. feb. 2013 13.12 Soomaali

Inay Danmark u wareegto tamarta cagaaran waxay u baahan tahay, in sannadaha soo socda ay lagu maalgeliyo 125 bilyan oo koron waxyaabo ay ka mid yihiin marawaxada dabaysha ku shaqeeya, qalabka neefaha noolaha, kulayliyayaasha durugsan ee dabdhaliyayaasha tamarta noolaha.

Maalgelino qalad ah
Laakiin waxa halis loogu jiraa, in la samrryo maalgelino badan oo qaldan, waayo wasiirka cimilada iyo tamarta, Martin Lidegaard (R), ayaan weli soo bandhigin istiraatijiyadda guud ee ilaa sannadka 2020, ayay qabaan ururka Dansk Energi.
 
Dawladda waxa maalgeliya shirkadaha iyo adeegsatada. Sidaas awgeed waxa hadda loo baahan yahay qorshe hawlgelineed, si looga badbaado maalgelin qaldan, ayaa ka soo yeedhay dhinacyo badan.

Agaasin dhexe oo adag
Xisbiyada Libaraalka iyo Konserfatifka iyo ururada Dansk Fjernvarme, Dansk Energi iyo Dansk Byggeri ayaa baadigoobaya agaasin dhexe oo si adag gacanta ugu qabta arrinta.

Henrik Lund, oo ah borofisar qorshaynta tamarta ka dhiga jaamacadda Aalborg ayaa la qaba naqdiga.

- Degmooyinka oo dhammi yeelan maayaan qalab lagu gubo qashinka, haddii degmooyin kale tuuraan qashinka. Waxa taas la mid ah marawaxadaha dabaysha, gaasta noolaha iyo adeegsiga dabdhaliyayaasha tamarta noolaha. Waxa meesha ka maqan isku xidhnaan, ayaa Henrik Lund ku yidhi wargayska Jyllands-Posten.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.