Dawada HIV oo qarka loo saaran yahay
01. feb. 2013 13.14 SoomaaliSannad kasta waxa fayrasta HIV qaada nus malyuun dadka dunida ah, waxana lagu qiyaasaa inay cudurkaas qabaan 34 milyan.
Tobanaan sannadood ayaa cilmibaadhayaashu daba socdeen sidii dawo loogu heli lahaa cudurkaas dilaaga ah, haddana koox deenish ah ayaa qarka u saaran inay xallisho dhibaatadaas.
Cilmibaadhayaashaas ayaa ka tirsan cusbataalka jaamacadda Aarhus, waxana ay qarka u saaran yihiin natiijooyin taabbagal ah, dunida oo dhammina hadda waxay soo eegayaan Danmark, oo ay ka rajaynayaan daahfurkaas.
- Hadday 100kiiba boqol shaqayso, markaas waxa la helay dawadii HIV, ayuu yidhi Lars Østergaard, oo ah dhakhtar sare iyo borofosar ka tirsan jaamacadda cusbataalka aarhus.
Unugyo muuqda
Cilmibaadhayaasha ayaa helay maadad unugyada jidhka aan muuqan ee qaba HIV ka dhigaya kuwo muuqda. Marka la arko unugyada, waxa lagu dilayaa dawooyinka HIV ama waxaba dilaya difaaca jidhka.
Cilmibaadhistan ayaa lagu tijaabiyay 15 deenish ah oo qaba fayrasta HIV. Maaddadu isku saamayn ayay ku yeelatay dadkaas, ayay qabaan cilmibaadhayaasha helay dawaynta.
- waa waalli in la is yidhaahdo ma suurtagelayso, ayuu yidhi Lars Østergaard, oo aan hore u rumaysnayn, inay jiraan wax lagu dawayn karo fayrasta HIV sidu hadda u rumaysan yahay.
Dhismo isa saaran
Kooxda cilmibaadhista wadda ayaa helay deeq lacageed oo dhan 12 milyan oo koron, oo ay ku baadigoobaan dawada fayrasta HIV. Hadda ayuun baana ay ugu dhow yihiin.
Inkastoo ay jiraan dawooyin cimri dhererineed, haddana badi 34ka milyan ee qaba cudurkaasi ma wada helaan.
- Waxaan qabaa inay fuulaynao jaranjarro isa saaran ilaa aynnu ugu danbaynta ka gaadhno dawaynta, ayuu yidhi Lars Østergaard.
Ugu horrayn sannad ayay cusbataalka jaamacadda Aarhus ku diyaar garoobayaan natiijooyinka la dabasocdo ee dawaynta fayrasta HIV.