Korukaca alaabada loo dhoofiyo USA
04. feb. 2013 12.45 TurkceAlaabooyinka loo dhoofioyo Maraykanka, oo ay ka mid yihiin adeegyadu, ayaa si wayn kor ugu kacay, waxana laga yaabaa inay 100 bilyan kor maraan sannadka 2012. Sidaas waxa sheegtay wasiirka ganacsiga iyo maalgelinta, Pia Olsen Dyhr (SF).
Dhoofka alaabada oo keli ah ayaa la filayaa, inay kor u kacdo sannadka 2012 marka loo eego sannadkii ka horreeyay. Taasi waxay u dhigantaa lacag dhan ilaa 9 bilyan oo koron ama goobo shaqeed oo dhan ilaa 6.000 oo Danmark gudaheeda ah.
Welina fursado fiican ayaa shirkadaha deenishku ku leeyihiin suuqyada Maraykanka, ayay qabtaa Pia Olsen Dyhr, oo isniinta u kicitimaysa dalka Maraykanka.
- Marka la eego waxyaabaha ka baxsan farsamooyinka cagaaran waxa tusaale ahaan fursado fiican u leh shirkadaha deenishka farsamooyinka caafimaadka, curinta iyo naqshadaynta, ayay wasiirku ku sheegtay shirjaraaid.
Fursado fiican ayaa ka jira sargoynta cimilada
Pia Olsen Dyhr ayaa booqasho ku tegaysa magaalada New York. Waxyaabaha ay kala soo hadlayso waxa ka mid ah sargoynta cimilada ee ka dib daadadkii iyo duufaanadii Sandy.
- Waxa aan ku qanacsan ahayn, in shirkadaha deenishku ka helayaan Maraykanka suuq ballaadhan arrimaha la xidhiidha sargoynta cimilada. Shirkadaha Cowi, DHI Group, Grundfos iyo qaar kale oo badan ayaa haddaba si wayn ugu hawllan, ayay tidhi wasiirka ganacsigu.
Waxay halkaas uga sii gudbaysaa dooxada Silicon Valley ee California, iyadoo halkaas kula kulmi doonta ganacsato deenish ah, muxaadarana ka jeedin doonta jaamacadda Stanford University. Dawladda ayaa yoolkeedu yahay, in Danmark sannadka 2020 ay ka mid noqoto shanta dal ee ugu wanaagsan ururka OECD dhinaca tirada shirkadaha curinta iyo abuurista leh.
- Tallabada halkaas aannu ka qaadaynaa waa iskaashi fiican oo dooxada Silicon Valley laga la yeesho nidaamada dhaqaalaha shirkadaha cusub, ayay tidhi Pia Olsen Dyhr.