Ha la adkeeyo fenishaadda qofka bukooda
04. feb. 2013 12.48 TurkceWaa in la adkeeyo, qarashkeedu bato fenishaadda shaqaalaha xanuunsada, ee shaqada uga fasax qaata walbahaar dartii.
Sidaasi waa farriin ka soo baxday ururka sharciyaqaannada iyo dhaqaaleyahanada, Djøf, ka dib markay ku guulaysteen dacwadda kiis mabaadiiyeed oo ay isku hayeen shirkad qareeneed fenishtay qareen uu ku dhacay cudurka walbahaarku.
Fenishaaddu way fududahay
Djøf, oo ka kooban xubno gaadhaya 80.000 ayaa ku faraxday guusha, laakiin mafsuud kuma aha xaaladda hadda jirta.
- Kiiska ayaa muujinaya siday u fududahay, in qofka la fenisho. Heerka magdhowga ee xeerka shaqada ayaa aad u habboonayn. Wax lacag ah ku kici maayaan shaqobixiyayaasha arrimaha noocan ahi, ayuu wargayska Politiken ku yidhi guddoomiyaha ururka Djøf, Lars Qvistgaard.
Kiiskan ayaa maxkamadda qaybaha dalka ee bari xukuntay, in qareenka 32 jirka ah ee la fenishay ay shirkaddu magdhow u siiso mushahar laba bilood ah.
Isbeddel lagu sameeyo xeerka shaqada
Inkastoo garsooruhu kiiska u xukumay ururka Djøf, haddana waxay u haystaan in aad u yar tahay qarashka ay shaqobixiyaha ku kacayso fenishaadda qofka shaqada kaga maqnaada xanuun.
Waxay sidoo kale rabaan in wax laga beddelo xeerka shaqada, si ay arrinta noocan ahi u saamayso dadka lagu fenishi fasaxa ummusha dartii.
- Waa in culays shaqobixiyaha ku fuulaa kiisaska lagu fenisho shaqaale ku jira fasaxa ummusha, ayaa Lars Qvistgaard ku yidhi Politiken.