preload loader
id top nyheder
Vestjysk bank - Kæmpe underskud i 2012

Baanka Vestjysk Bank ayaa ruxay hayadaha maaliyadda jimcihii, marku saadaaliyay inuu sannadka 2012 la kulmayo khasaare dhan 1,15 bilyan koron.

 

Saamaynta burburka baan cusub

04. feb. 2013 12.49 Turkce

Deenishka ayaa jeebkooda ka dareemaya, haddii xiisadda dhaqaale jilbaha dhulka u dhigto baanka Vestjysk Bank, xataa haddii qofku aanu saamiyo ku lahayn ama macmiil u ahayn baanka.

Burburka soo gaadha baankaas ayaa bangiyada kale ee deenishka ku qaali garaynaysa amaahda ay ka soo qaadanayaan debedda, waxana ay taasi sii xoojinaysaa xiisadda dhaqaale, ayuu qoray wargayska Børsen.

Jimcihii ayaa baanka Vestjysk Bank mawjado qaylodhaan ah u diray xarumaha maaliyadda, taasoo ku saabsanayd hoosudhaca saadaasha natiijooyinkiisa sannadka. Baanka oo xaruntiisa wayni ku taal magaalada Lemvig ayaa filllaya sannadka 2012 khasaare dhan 1,15 bilyan oo koron.

Qaansheegaha oo la dirayo
Sayladaha lacagta ayaa heerka saamiyada baanku hoos u dhaceen ilaa boqolkiiba 02, laakiin hadduu baanku burburo wax saamayn ah ku yeelan mayso guud ahaan macmiisha baanka ee Danmark, siday qabaan khubaradu.

Waxay dhibaato gaadhsiinaysaa qiimaynta debedda ee hayadaha maaliyadda deenishka, waxa ay qaali garaynaysaa, in baananku raasmaal ka soo helaan sayladaha caalamiga ah ee lacagaha. Degdeg ayaana qaansheegaha loogu dirayaa macmiisha gaarka ah iyo shirkadaha.

- Waxa gaadha baan xajmigan lihi wuxu ku qormayaa cinwaannada waawayn ee dunida, taasina waxay u xun tahay sumcadda baananka, macaamiladana way qaali garaynaysaa, ayuu wargayska Børsen ku yidhi Jesper Rangvid, oo ah borofisar ka tirsan kulliyadda ganacsiga ee Copenhagen Business School.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.