Hawlgalka Mali ee Ururka Laanqayrta Cas
04. feb. 2013 12.52 TurkceMaalin kasta isbedello ayaa ku yimaadda baahida gargaarka degdegga ah ee dalka Maali. Sidaas waxa DR Nyheder u sheegtay Elise Bjerkrheim, oo ah xidhiidhiyaha mucaawinooyinka Ururka Laanqayrta Case e deenishku siinayaan dalka Mali.
- Dhab ahaan waxa aannu ku sugan nahay laba xaaladood oo maalin walba taagan. Midkood waa dadka badan ee maalin walba soo qaxaya.
Ta labaadna waa dadka raba, inay guryahoodii ku laabtaan, oo laga yaabo in qaarkoodna laabteenba.
Baahiyahoodu markaas way kala duwan yihiin. Kuwa hore waxay u baahan yihiin gogol, salliyo, taanbuugyo, cunto iyo qalabka nadaafadda fayodhawrka. Halka dadka ku laabanaya guryahoodii ay u baahan yihiin waxyaabo asaasi ah sida wiciyad iyo cunto.
Way dhawrayaan oo eegayaan
Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga barakacayaasha – ayaa siday sheegtay Elise Bjerkrheim – ku sugan xaalad ay dhawrayaan waxyaabaha dhacaya, ka hor inta aanay ku noqon tuulooyinkoodii.
Ururka Laanqayrta Cas ee deenishka ayaa si mutawacnimo ah uga la shaqaynaya Laanqayrta Case e dunida gurmadka degdegga ah ee lagu caawinayo dalka Mali.
Ururka Laanqayrta Cas ayaa shan bakhaar ku leh dalka Mali, oo gurmadka degdegga ah u qaybiya ilaa 12.000 oo qoys.